Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay weerar lagu qaaday laba markab oo nooca shidaalka ah oo laga leeyahay Sacuudiga.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay beegsadeen laba markab sida shidaal, kuwaas oo marayay Badda Cas.
“Waxaan bartilmaameedsanay laba markab oo shidaal oo laga leeyahay Sacuudiga, kuwaas oo kala ah ENCELA iyo LAYLIA, sababtoo ah waxay ku xadgudbeen go’aanka xayiraadda ee Ciidamada Qalabka Sida.” Ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in weerarka uu dhacay Arbacadii.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in weerarka loo adeegsaday tiro gantaalada ballaastikada, cruise-ka iyo drones, taasoo keentay buu yiri in maraakiibtu uu dab qabsado.
General Yahya Saree ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay sidoo kale ku dhawaad toban markab ku khasbeen inay ka weecdaan waddooyinkooda, isla-markaana ay dib u laabtaan.
Saraakiisha Sacuudiga ayaan weli ka hadlin warka ka soo yeeray Xuutiyiinta, balse Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in ay heshay warbixino sheegaya in la weeraray markab shidaal.
“Kabtanka markabka shidaalka qaada ayaa soo sheegay inuu ku dhacay walax aan la aqoon oo sababtay dab ka kacay markabka dhexdiisa, kaas oo ay shaqaaluhu hadda ku howlan yihiin inay demiyaan.” Ayay UKMTO ku sheegtay war qoraal ah.
Xuutiyiinta Yemen ayaa Isniintii xayiraad dhanka badda ah ku soo rogay maraakiibta shidaalka Sacuudiga, kuwaas oo ay ka mamnuuceen inay adeegsadaan waddada Badda Cas iyo Bab El-Mandeb.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ay Xuutiyiintu ku qaadaan maraakiibta ganacsiga ee ku gooshaya Badda Cas iyo Bab El-Mandeb, tan iyo intii ay ku dhawaaqeen go’doominta ka dhanka ah Dekedaha Sacuudiga.
Go’aanka Xuutiyiinta ee lagu go’doominayo Dekedaha Sacuudiga ayaa kordhinaya khatarta ah in ciriiri labaad uu ku yimaado sahayda tamarta adduunka ee Badda Cas, iyadoo uu xiran yahay Marinka Hormuz.