Home Wararka Maanta Gaari Sinotruk oo toddobo qof ku dilay Jigjiga

Gaari Sinotruk oo toddobo qof ku dilay Jigjiga

by Laacib

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay shil gaari oo xalay ka dhacay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Laamaha amniga ayaa sheegay in gaariga oo xawaare ku socday uu ka baxay waddada, ka dibna uu jiiray dad fadhiyay goobo ganacsi oo ku yaala magaaladaasi.

Sarkaal u hadlay Booliska Jigjiga ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu ahaa Sinotruk oo kuwa dhagaxa qaada ah uu halkaasi ku dilay toddobo qof, oo isugu jira shan rag iyo laba dumar ah, halka ilmo yarna uu ku dhaawacmay shilkaasi.

Maamulka ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminayo Kuxigeenka Duqa Jigjiga oo ka shaqeeya masiibada shilka gaariga, si ay u fududeeyaan qaban-qaabada iyo diyaarinta ee aaska dadkaasi, iyadoo la dhameystirayo caddeymaha sharciga ee loo baahan yahay, oo ay ku jirto xaqiijinta iyo in la helo ehelada dhibaneyaasha.

Shilkan ayaa noqonaya midkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee dhowr cisho gudahood ka dhaca Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Axaddii ayay ahayd, markii shil ay ku dhinteen in ka badan 10 qof uu ka dhacay waddada Jigjiga iyo Qabri-bayax, ka dib markii gaari qaad siday uu ku dhacay Mooto Bajaaj.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc