Home Wararka Maanta Furin weyn oo dagaal oo ka furan aagga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan

Furin weyn oo dagaal oo ka furan aagga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan

by Laacib

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa ka socdo bariga Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanada hoostaga Degmada Moqokori ee dhaca xadka ay wadaagaan Gobolka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Al Shabaab ayaa waxay isku dayeysaa in ay sii waddo culeyska ay ku hayso Degmada Moqokori, si ay u hesho waddo ay maleeshiyadeeda isugu gudbaan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Shabaabka ayaa 29-kii bishii June la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga Degmada Moqokori, waxayna Jimcihii uga soo gudbeen deegaanka Gumare oo afka u saaran degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa Sabtidii weerar xoogan ku qaaday deegaanka Gumare, iyagoona dib uga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

72-kii saac ee ugu dambeysay ayaa waxaa kordhay gurmadka Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda ee gaaraya Degmada Moqokori ee uga sii gudbaya duleedyadeeda.

Ciidamada ayaa ku sii guurguuranaya deegaanka Ceelqooxle, maadaama joogitaanka Al Shabaab ay caqabad weyn ku tahay amniga degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay si gaabis ah ugu sii socdaan Ceelqooxle, iyaga oo tuulooyinka ku xeeran iska caabin kala kulmaya maleeshiyada Al Shabaab.

Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in Shabaabku ay dhufeysyo iyo godad ka qoteen bannaanada hore ee Ceelqooxle iyo gudaheedaba.

Al Shabaab ayaa waxaa muuqato in ay ku mintidi doonto gacan ku haynta deegaanka, marka aad milicsato gurmadka uga imanaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo deegaanada hoostaga ee saaran xuduudda labada gobol.

Ciidamada ayaad arki karta in shaqo badan ay ka marayaan, sidii ay dib ugu la wareegi lahaayeen Ceelqooxle, oo toddobaad ka hor ay si fudud uga soo baxeen, iyadoo aanu wax dagaal ahi ka dhicin. Deegaankan ayaa waxaa muddooyinkii u dambeysay deganaa Xoogaga Macawiisleyda ee ka barbar dagaalamaya Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna dib u gurashadooda ay ka dambeysay, ka dib culeys uga yimid maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayay Ceelqooxle u tahay jaanta jidkii ay ku gaari lahaayeen Degmada Moqokori, oo ay u arkaan marin muhiim ah oo ay isugu xiri karaan maleeshiyaadkooda min Shabellaha Dhexe, Hiiraan illaa Galgaduud.

Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in Shabaabku ay si sahlan gacantooda uga bixi doonto Ceelqooxle, illaa dagaal uu dhiig badani ku daato, si la mid ah bishii September ee sanadkii 2022 oo dagaal lagu hoobtay markii ugu horreysay looga saaray, ka dib wax ka badan 10 sano oo ay ka arriminayeen.

Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa kuu sheegaya in Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay u diyaargaroobeen dib u xoreynta Ceelqooxle.

Saraakiisha ayaa sheegaya in aanay jirin meel ay ciidamadu uga laabtaan Ceelqooxle, keliyana ay Shabaabku u furan tahay inay dagaalamaan amaba ay isaga baxaan deegaankaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa saaka ku celiyay in hawlgalada dalka ka socdo ay yihiin wax ay qorsheeyeen, oo ciidamadu ay dib ugu la wareegayaan dhulkii ay qabsadeen sida uu yiri Khawaarijta.

“Waxaad la socotaan in hawlgal lagu magacaabo Duufaanta Aamusan oo Dowladda Somaliya ay guud ahaan qorsheysay, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, guulo waaweyna in laga gaarayna waad la socotaan. Marka Ilaahay ayaan uga mahdinaynaa guulahaas aan gaarnay.” Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.

Ka dib markii Al Shabaab ay 16-kii bishii April qabsatay Degmada Aadan Yabaal ayay bilowday inay culeys soo saarto deegaanada hoostaga Degmada Moqokori, waxaana dhow jeer lagu jebiyay weeraro ay ku qaadday deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmadaasi.

Dadka qaarkii ayaa ka baqdin qaba in Al Shabaab ay la wareegto Degmada Moqokori, ciidamada ku maqan dhinaca Ceelqooxle-na ay suurtagal tahay in loo soo daba maro degmadaasi, haddii aysan ciidamadu adkeynin difaaca ay ku leeyihiin waddooyinka soo gala.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc