Home Wararka Maanta Guri ay ku shirayeen horjoogeyaal Shabaab ah oo la duqeeyay

Guri ay ku shirayeen horjoogeyaal Shabaab ah oo la duqeeyay

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in la duqeeyay guri ay ku shirayeen horgoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, oo ku yaala deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA ayaa war ay maanta soo saartay ku sheegtay in hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ay iska kaashadeen ciidamadeeda iyo kuwa saaxiibada caalamiga ah.

Warka NISA oo lagu baahiyay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu dhacay Khamiistii, laguna dilay sideed xubnood oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.

NISA ayaa waxay sheegtay in xubnahan ay ka arrinsanayeen qorsheyaal ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka deegaanka.

Shabaabka ayaa deegaanka Aboorey oo hoostaga Magaalada Buuloburde la wareegay 6-dii bishii April, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Jicibow oo dhaca jiinka Webiga Shabelle ee bariga Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa 8-dii bishaasi weeraray Shabaabkii soo galay Aboorey, iyagoona kula galay dagaal socday sagaal maalmood. Ciidamada ayaa xilligaasi Shabaabka isugu geeyay oo ku go’doomiyay mid ka mid ah xaafadaha Aboorey, oo ay ka dhex dagaalamayeen godad ay ka qoteen.

Ciidamada ayaase deegaankaasi dib uga soo gurtay, iyagoo xaalad ciriir ah ku hayay maleeshiyadii Shabaabka, taasoo dhalisay hadal hayn.

Dad badani ayay la yaab ku noqotay asbaabta ay ciidamada u soo banneeyeen deegaankaasi, haddii aysan jirin sabab ku kalifi kartay inay dib uga soo gurtaan, isla-markaana ay horey u diideen codsi ay Shabaabku u soo dirsadeen odayaasha gobolka, si loogu furo waddo ay ka baxaan.

Shabaabka oo xilligaasi ka soo baxay godadkii ay ku jireen ayaa isku ballaariyay deegaanka Yasooman oo deris la ah Aboorey.

Shabaabka ku sugan Aboorey & Yasooman iyo kuwii kale ee bishii July la wareegay Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ayaa qarka u saaran in maanta ay go’doomiyaan Buuloburde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc