Home Wararka Maanta Shabaab oo Degmada Maxaas ku wado mid aan goorahaan laga saari karin

Shabaab oo Degmada Maxaas ku wado mid aan goorahaan laga saari karin

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa waddo dadaalo ay dadaalka uga fogeynayaan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, si aanay gacantooda uga bixin degmadaasi.

Maleeshiyadan ayaa Isniintii la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Goobo oo hoostaga Degmada Maxaas, iyadoo Goobo ay ku taalo waddada aadda dhinaca Magaalada Guriceel.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada qabsatay Goobo ay ka timid Maxaas, isla-markaana ay bilaa dagaal kula wareegeen deegaankaasi. Goobo ayaa qiyaastii 15km jihada waqooyi uga beegan Maxaas oo 27-kii bishii July ay Shabaabku dagaal culus kula wareegeen.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaanka Goobo, ka hor inta aysan gudaha u soo gelin maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Shabaabku ay u qalab qaateen deegaankaasi saacado ka dib, markii ciidamadu ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen deegaanada qaar ee hoostaga amaba ku dhow Degmada Maxaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad kale oo Shabaab ah ay u jiheysteen dhinaca deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan.

Waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in Shabaabku ay ciidan u direen dhinaca waddada deegaanka Teedaan oo hoostaga Degmada Maxaas.

Shabaabka ayaa goobahaasi u arka in ay yihiin meelaha laga soo weerari karo Degmada Maxaas, iyagoo aan dooneyn in laga fara maroojiyo degmadaasi.

Shabaabka ayaa la fahamsan yahay in 24-kii saac ee u dambeeyay ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadooda aagga Degmada Maxaas, iyadoo aan la garaneyn sida ay uga xeeladeysanayaan diyaaradaha wax duqeeya ee guuxooda laga maqlayo deegaanada hoostaga degmadaasi.

Shabaab ayaad arkaysaa in ay dagaalka ka fogeynayaan Maxaas, oo waddo dheer ay u soo mareen, sidii ay degmadaasi u qabsan lahaayeen, iyadoona joogitaankooda degmadan ay muhiim u tahay in ay isugu gooshaan Gobolada Dhexe.

Maxaas oo ku taala meel istiraatiiji ah ayaa muhiim u ah isu socodka maleeshiyada Al Shabaab ee deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Maxaas ayaa dhacda xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Galgaduud ee Galmudug, waxayna mid ka mid ah waddooyinka ka baxa ay tagtaa magaalada geeska bari ee Galgaduud ku taala ee Ceelbuur.

Shabaabka ku sugan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa hadda awood u leh inay gaaraan deegaanka Jowle ee koonfurta Gobolka Mudug, waxaas oo dhana waxaa ka caawinaya la wareegitaankoodii Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas. Moqokori oo ku taala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayay ciidamadu lumiyeen 7-dii bishii July, halka 20 cisho ka dibna oo ku beegan 27-kii bishaasi ay Shabaabku qabsadeen Degmada Maxaas.

Shabaabka ayaa horaantii sanadkan culeys weyn soo saaray Gobolka Shabellaha Dhexe, wuxuuna ujeedkoodu ugu weyn uu ahaa in ay fashiliyaan hawlgal ay ciidamadu xilligaasi ka bilaabeen bariga Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo in ay go’doominta ka saaraan maleeshiyadooda ku sugan deegaanada Galmudug.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa ku dhawaad saddex sano ka hor kala jaray isu socodka iyo gurmadka Shabaabka Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc