Home Wararka Maanta Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Degmada Beledxaawo

Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Degmada Beledxaawo

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaalad cabsi ah ay la soo deristay dadkii dhawaan bilaabay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, ka dib dagaalkii magaalada ku dhex maray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayay 30-kii bishii July u suurtagashay in ay magaalada dibadda uga saaraan Ciidanka Jubbaland, oo tan iyo xilligaasi ku sugan duleedka Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa galay xaalad feejignaan ah, iyaga oo dareen ka muujinaya dhinaca ciidamadii laga saaray magaalada, oo dadku ka cabsi qabaan in weerar rogaalcelin ah ku soo qaadi karaan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland ay hadda dhaqdhaqaaq ka wadaan halka lagu magacaabo BP1 (Border Point One), oo ah bar isgoys saddex xagal ah oo ku taala xuduudda Somaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Ciidanka Jubbaland ayuu culeys ka soo fuulay dadka reer Mandhera, oo ku eedeeyay in ay amni darro ku soo kordhiyeen deegaankooda, iyadoo Ismaamulka Mandhera uu ciidamadaasi u qabtay in ugu dambayn Jimcaha ay ka guuraan duleedka waqooyi ee Mandhera, haddii kalena ay goobtaasi ku weerari doonaan, si ay uga saaraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan Mandhera uu qorsheynayo in ciidamada uu Jimcaha ka saaro deegaankaasi, balse ma cadda halka la gayn doono, waana tan cabsida ka abuurtay Beledxaawo, keentayna in ay feejignaan badan galaan ciidamada ku sugan Beledxaawo.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland uu Arbacadii shir kaga qaybgalay Magaalada Suufka ee Itoobiya ee ku dhow BP1, isla-markaana uu kula kulmay Saraakiil Itoobiyaan iyo Kenyan isugu jira, isagoo weydiisanaya in Jubbaland laga gacan siiyo, sidii ay dib ugu la wareegi lahayd Beledxaawo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenku uu labada dowladood weydiistay kaalmo militari, haddii aysan Ciidanka Jubbaland la weerari karin oo la qaban karin Beledxaawo.

Ciidanka Jubbaland ayaa la sheegaya in ay haystaan dhowr ikhtiyaar, oo ay ka mid yihiin inay taggaan Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyada oo aan qalqal amni laga samayn xuduudda iyo in ay dagaal toos ah ku qaadaan Beledxaawo, wixii cawaaqib ah ee ka dhashana ay masuuliyaddeeda Jubbaland dusha u ridato.

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo aad mooddo in ay si uun ula safan yihiin Dowlad Goboleedka Jubbaland, marka ay noqoto taageerada Dowladda Soomaaliyeed ayaan wax culeys ahi ku qabin in Ciidanka Jubbaland ay sii joogaan aagga BP1, haddana ay ixtiraamayaan cabashada dadka reer Mandhera oo masuuliyiintoodu ay si toos ah u sheegeen in aysan dooneyn in ciidamadu ay halkaasi ku sii sugnaadaan, haddii joogitaankooda ay walaac amni ku hayso dadka deegaanka.

Saraakiil ka socoto dhinaca Itoobiya ayaa maalin ka hor Degmada Doolow kula kulmay odayaasha deegaanka, waxayna u sheegeen in aysan dooneyn in Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) uu sii joogo Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee UK ee duleedka Degmada Beledxaawo.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay saddex cisho u qabteen Cabdirashiid Janan in uu uga tago xeradaasi. Cabdirashiid Janan ayaa ah sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka, oo bishii July u magacawday Taliyaha Hay’adda NISA ee Jubbaland iyo Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo.

Laba diyaaradood oo helicopter ah oo Militariga Itoobiya ay leeyihiin ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii dulmaray Xerada UK. Diyaaradahan ayaa sidoo kale maanta ku dul wareegayay xeradaasi, inkastoo aysan joog hoose ku duuleynin.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Xerada UK oo ku taalo duleedka bari ee Beledxaawo ay shalay galab rasaaseeyeen diyaaradahaasi, markii ay ku soo dhawaadeen xeradan, laakiin aysan maanta ku soo dhawaan xeradaasi.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa culeys amni ku haya dadka reer Beledxaawo, oo kuu sheegaya in ay baqdin badan dareemayaan.

Dowladda Federaalka ayaa war ay xalay soo saartay ku sheegtay in ay la socoto in weli xubno qaswadeyaal ah oo ka amarqaata Madaxweynaha Jubbaland, oo ay ugu yeertay eedeysane Axmed Madoobe ay ku mashquulsan yihiin shirqoolo iyo falal ay colaad uga hurinayaan Gobolka Gedo, isla-markaana ay faafinayaan warar been abuur ah iyo marin habaabin, oo ay ku qarinayaan sida ay sheegtay dembiyada ay faraha kula jiraan.

Dowladda Federaalka ayaa waxay sheegtay in xubnahaasi uu ka mid yahay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland oo horey ugu lug lahaa bay tiri tacadiyo badan oo ka dhacay Gobolka Gedo. Dowladda Federaalka ayaa ninkaasi ku eedeysay in maalmahaan dambe uu ku lug lahaa xogo uu uga been sheegayo xaqiiqada gobolkaasi.

Warka Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Gobolka Gedo ay ku sugan yihiin Ciidamada Qaranka ee 15-kii sano ee la soo dhaafay gobolkaasi u joogay inay gutaan waajibaadkooda qaran ee uu dastuurka u xilsaaray.

“Ciidamada Qaranka oo kaashanaya shacabka gobolka waxaa ka go’an in ay sii wadaan xil gudashadooda, una adeegaan bulshada gobolkaasi, ayagoo u xilsaaran sugidda amniga & xasilloonida gobolkaas iyo la dagaalanka argagixisada.” Ayaa lagu yiri warka oo dhanka kale digniin loogu jeediyay shakhsiyaadka iyo kooxaha ku howlan xiisad abuurka baa warka lagu yiri in dhaqdhaqaaqyadooda lala socdo, isla-markaana lala xisaabtami doono, haddi ay ka waan-toobi waayaan ficiladooda guracan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc