Home Wararka Maanta Cabdirashiid Janan oo Kenya ka dalbaday inay soo celiso gaadiidka lala galay dalkeeda

Cabdirashiid Janan oo Kenya ka dalbaday inay soo celiso gaadiidka lala galay dalkeeda

by Laacib

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Jubbaland ahna Madaxa Amniga ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa Dowladda Kenya ugu yeeray inay joojiso taageerada ay siineyso Ciidanka Jubbaland, oo uu ku tilmaamay kuwo burcad oo dowlad-diid ah.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimihii maanta laga saaray Ciidanka Jubbaland ee ay ku lahaayeen deegaanka Tuulo Amiin ee duleedka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidamadan ayaa la sheegay in intooda badan ay gudaha u galeen Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Taliyaha ayaa sheegay in dhufeysyada laga saaray ciidamadaasi aan lagu qodin dad gacmihiisa, balse sida uu sheegay lagu qoday gaadiid cagaf-cagaf ah oo Kenya ay leedahay.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali karin cagaf-cagaf laga keenay dal kale in ciidamo burcad ah dhufeysyo looga qodo gudaha Somaliya.

“Labada dowladood waa deris, colaad hadda u dhaxeyso oo aan garan karana ma lahan, caalamkana waa arkaa waxaan meesha yaalo in cagaf dal kale laga keenay ay ciidamo burcad ah oo dalka Somaliya dhibaateynayo oo qaranimadii Somaliya diidan inay noocaan cagafyo uga qodaan, wax la aqbali karo ma ahan.” Ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Cabdirashiid Janan ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay in ay dib u soo celiso gaadiidka ku buufsan astaanta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee gudaheeda lala galay in ay dib ugu soo celiso dalka.

“Waxaan uga baahanahay laamaha amniga ee Dowladda Kenya, annaga qori hadduu xageenna soo maro waan idiin celinaa, marqaati bay leedahay. Qori haddii Dowladda Kenya laga la soo goosto oo xagayaga uu soo aado oo waxa gacantoodu gashay ay tahay meel ay ciidamada amniga soo qaban karaan, waan soo qabanaa. Waxaan rabnaa hubka Dowladda Soomaaliyeed ay leedahay ee calaamadda booliska ku buufsan ee dalkiina galay, Dowladda Kenya arrintaasaa ka rabnaa, gaar ahaan laamaha amniga ee Mandhera ka shaqeynaya ayaan ka rabnaa.” Ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maanta soo afjaray joogitaankii Ciidanka Jubbaland ee duleedka Beledxaawo, ka dib markii ay dagaal kula wareegeen Tuulo Amiin oo ku dhow barta saddex xagalka ah ee kala qaybisa xuduudda Somaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc