Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo laamaha amniga kula kulmay Matabaan

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo laamaha amniga kula kulmay Matabaan

by Laacib

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo booqasho ku jooga Magaalada Matabaan ee gobolkaasi ayaa shir guddoomiyay shir la xiriira arrimaha amniga ee gobolka.

Gudoomiyaha ayaa waxaa shirka ku wehlinayay Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Siyaasadda & Maaliyadda Gobolka Hiiraan, Xasan Ibraahim Cabdulle, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Hiiraan, Korneyl Isaaq Cali Cabdulle, Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolkaasi.

Shirka ayaa marka hore lagu bogaadiyay dadaalada Maamulka Degmada Matabaan uu ka gaystay nabadeynta beelaha deegaanka iyo in ay dib xorriyaddooda u helaan laba nin oo dhawaan lagu afduubtay deegaanka Balli-hawd ee Gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa gelinkii dambe ee Axaddii lagu wareejiyay raggaasi, ka gadaal markii xal laga gaaray sababta ka dambeysay afduubkooda.

War ka soo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in maamulku uu ahmiyad siinayo xaqiijinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta beelaha, si loo mideeyo cududda dadka reer Hiiraan, loogana hortago dhagarta maleeshiyada Al Shabaab.

Shirka amniga looga hadlayay ee maanta ka dhacay Matabaan ayaa warbixin ku aaddan amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab looga dhageystay saraakiisha laamaha amniga.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sidii aysan dadka deegaanka uga mashquuli lahayn dagaalkaasi.

Warbaahinta ayaa fahamsan in shirku uu yimid, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Shabaabku ay ku soo gurguuranayaan deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan.

Shabaabka oo 27-kii bishii July la wareegay gacan ku haynta Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa isku dayaya in ay dagaalka ka fogeeyaan degmadaasi, iyagoo qabsanaya deegaanada hoostaga degmadaasi iyo kuwa kale ee ka baxsan.

Maxaas oo ku taala meel istiraatiiji ah ayaa muhiim u ah isu socodka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, taasna waxay Shabaabka ka caawineysaa in ay isugu gooshaan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Mar kasta oo ciidamadu ay ka gaabiyaan in ay dib ugu la wareegaan Maxaas iyo goobihii kale ee gobolka ee laga qabsaday, waa mar kasta oo Shabaabku ay ku fidi doonaan dhul hor leh, taasna waxay dib u dhac weyn ku tahay hawlgalka dib u xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc