Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo u jiheystay Degmada Awdheegle

Ciidanka Xoogga Dalka oo u jiheystay Degmada Awdheegle

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay cagta saareen waddada aadda Degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Ciidamadan ayaa ka qalab qaatay deegaanka Bariire oo Jimcihii ay si buuxda ula wareegeen amnigeeda. Bariire ayaa waxay ku taallaa inta u dhaxeyso Degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle.

Sahanka hore ee ciidamada ayaa ku sii socdo degmadaasi, iyadoo raacooda dambena ay hayaan waddada loo sahminayo amnigeeda. Ciidamadan dambe ayaa wata gaadiidka dagaalka, sidoo kalena waxay wadaan saadka iyo sahayda loogu talagalay ciidamada xoreynaya degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay bilaabeen in ay isaga baxaan Degmada Awdheegle, iyadoo loo maleynayo in ay ka niyad jabsan yihiin guul darradii ay kala kulmeen dagaalkii Bariire.

Shabaabka ayaa toddobaadkii hore isku dayay in ay si adag u difaacdaan Bariire, balse maalmo uu dagaalku socday ay sii caabin kari waayeen ciidamadii weerarka ku hayay.

Maleeshiyaad Shabaab ah oo kooxo kooxo u abaabulan ayaa weli lagu arkayaa waddada xiriirisa Awdheegle iyo Bariire, halkaas oo kol horeba ay godad ka qoteen.

Shabaabka ayaa 15-kii bishii March ee sanadkan weerar qaraxyo ku bilowday ku qabsaday Degmada Awdheegle, iyagoona billihii u dambeeyay haystay degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la xusuustaa in 6-dii bishii August ee sanadkii 2019 ay dagaal Shabaabka uga saareen Awdheegle, ka dib sanado badan oo ay ka arriminayeen.

Dhanka kale G/dhexe Liibaan Yuusuf Garre oo wax ka hoggaaminaya gulufka ku wajahan Awdheegle ayaa Isniintii loo magacaabay Taliyaha Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Sarkaalkan da’da yar ayaa bedelaya General Aadan Abshir Nuure (Laba Afle) oo muddo dheer ku magacawnaa Taliyaha Guutada 6aad.

Guutadan oo sanadihii la soo dhaafay uu taliskeedu ahaa Degmada Baraawe ayaa si gaar ah uga hawlgasha Gobolka Shabellaha Hoose, si la mid ah Guutada 14-ka October oo iyana ka hawlgasha gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc