Wuxuu ahaa khaladkii ugu weynaa ee istiraatiijiyadeed ee Israel sameyso, ka dib markii ay 2-dii bishii March si buuxda u xanibtay gargaarkii uu caalamka gaynayay Marinka Gaza, isla-markaana ay madaxdeeda dhegaha ka fureysteen digniinihii hay’adaha caalamiga ah ee ku aaddanaa in macluul ay ka dilaaci doonto Gaza, haddii aan si degdeg ah gargaarga loo fasixin.
Tani ayaa indhaha dunida oo dhan ku soo jeedisay ficilada naxariis darrada ah ay Israel, illaa 19-kii bishii May ay arrintan si kulul ugu cambaareeyeen Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada oo ka dalbaday inay si degdeg ah u joojiso dagaalka Gaza, inay qaaddo xanibaadaha gargaarka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Israel ayaa xilligaasi ogolaatay in wa-xoogaa gargaar ahi la geeyo Gaza, laakiin Qaramada Midoobey ayaa gargaarka ay ogolaatay ku sheegtay dhibic bad ku dhacday oo kale, isla-markaana aysan waxba ka tari karin xaaladda dadka rayidka ah ee gaajada la ildaran.
Shacabka reer galbeedka ayaa hoggaamiyeyaashooda ku cannaantay inay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan masiibada bani’aadantinimo ee Gaza iyo inaysan wax tallaabo ahi ka qaadeen Israel, si loo joojiyo ku tumashadeeda ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Hoggaamiyeyaasha dalalkaasi qaarkood ayaa markii ugu horreysay taariikhda si aan looga baran ugu hanjabay inay aqoonsan doonaan Dowladda Falastiin, haddii aysan Israel ogolaan in Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza laga samatabixiyo macluusha ay ugu dhimanayaan dhulka ay colaaddu ku wada fidisay, isla-markaana aysan aqbalin in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Gaza iyo in gebi ahaanba la soo afjaro dhul boobka ay ka waddo Daanta Galbeed ee ay xoogga ku haysato.
Israel oo hanjabaadaasi aan waxba ka soo qaadin ayaa toddobaadkan ku soo baraarugtay in ku dhawaad 10 dal oo reer galbeed ah ay qaarkood go’aansadeen, kuwo kalena ay ka fekerayaan in bisha September ay Shirka Qaramada Midoobey ee Magaalada New York kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Falastiin.
Dalalkan ayaa waxaa ka mid ah Malta, Faransiiska, Ingiriiska, Canada iyo Australia, waxayna ka mid yihiin xulafadeeda ugu muhiimsan ee dibadda.
Israel ayaa arrintan si dhab ah ugu soo baraarugtay, ka dib markii uu is casilay Wasiirkii Arrimaha Dibadda Netherlands, Caspar Veldkamp, saacado ka dibna ay is casileen Wasiiradii kale ee Xisbiga NSC ku metelayay dowladda, sababo la xiriira dilka iyo gaajeysiinta joogtada ah ee ay ku hayso Falastiiniyiinta reer Gaza. Baarlamaanka dalkaasi ayaa Arbacadii soo gaabiyay fasixii xagaaga, si ay Raysal Wasaare Dick Schoof uga la hadlaan xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay taageero la’aanta Dowladdiisa KMG ee Falastiin. Hoggaamiyaha Xisbiga DENK, Stephan van Baarle ayaa ku hanjabay in ay mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenayaan Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ku-meel-gaarka ah ee weli shaqeynaya, isaga oo ku eedeeyay in ay daawanayaan burburinta Gaza iyo xasuuqa dadkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa Arbacadii sheegay in Israel ay wajaheyso dagaal aan ahayn midka militariga ay hadda ku jirto, isagoona sheegay inay galeen dagaal siyaasadeed, ka dib dacaayad iyaga ka dhan ah oo sida uu sheegay ay ku dhawaad muddo laba sano ahi faafinayeen Xamaas iyo dadka kale ee ka soo horjeedo Israel.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa qiray in uu xoogeysanayo dhaqdhaqaaqyada reer galbeedka ee lagu doonayo in lagu aqoonsado dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.
Wasiirka ayaa sheegaya in xiisadda diblomaasiyadeed ee sii kordheysa ay cawaaqib ku yeelaneyso Dowladda Israel, ka dib xaqiiqada qaraar ee sida uu yiri laba sano oo dagaal joogto ah.
Wasiirka ayaa xusay in Israel ay mudnaanta koowaad siin doonto danaheeda istiraatiijiga ah, iyaga oo ka hortagaya in lagu soo rogo cunaqabateyn dhinaca hubka ah iyo in la go’doomiyo, wuxuuna intaasi ku dartay in xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ay si weyn uga soo reynayso, hadalkaas oo liddi ku ah weerihiisii hore ee uu ku diidanaa in dhibaatooyin bani’aadantinimo ay ka jiraan dhulka ay sida daran u go’doomiyeen.
“Waxaan rajaynayaa inuusan heerkulku ku sii waari doonin maalmaha degan.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel oo intaasi ku daray in qaar badan oo reer Yurub ah aysan fahamsaneyn dhibaatada ka dhalaneysa aqoonsiga Dowladnimada Falastiin, isagoona Falastiiniyiinta ku eedeeyay inay doonayaan in ay burburiyaan Dowladda Israel.
Wasiirkan ka tirsan dowladda ugu xagjirsan ee taariikhda Israel ayaa Washington u jooga, sidii ay iyaga iyo Aqalka Cad uga wada shaqayn lahaayeen joojinta duufaanta siyaasadeed ee Yurub gilgileysa.
Dalalka Yurub ayaa waxaa ka socdo kulamo siyaasadeed oo looga fiirsanayo tallaabooyinka laga qaadi karo Israel, si loogu ciqaabo dembiyadeeda ka dhanka ah Falastiiniyiinta. Hoggaamiyeyaasha dalalkan ayaa cadaadis aan caadi ahayn kala kulmaya shacabkooda, si xiriirka loogu jiro Israel, isla-markaana loo go’doomiyo.
Fagaareyaasha Yurub ayaa waxaa ka jira wax indhaha dadka soo jeedinaya, marka aad fiiriso hadalada xanafta leh ay jeedinayaan siyaasiyiinta iyo shacabka carrada kala dul dhacaya Madaxda Israel ee ku miigan in la sii wado dhiigga ay daadinayaan, sababtu tahay haddii aysan ebid arkin cid iyaga ciqaabi karta amaba kula xisaabtameysa gabood-falada ay gaysanayaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain, Jose Manuel Albares ayaa ku baaqay in cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu soo rogo Israel, haddii ay joojin weydo weeraradeeda.
Gideon Sa’ar, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ayaa ka digay in cunaqabateynta hubka ay dhabaha u xaari doonto in si fudud loo burburiyo dowladda qura ay leeyihiin dadka Yahuudda.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabaya inaysan ogolaan doonin in laga garab dhiso dal madaxbannaan oo Falastiiniyiinta ay leeyihiin.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo maalin ka hor warqad u qoray Netanyahu ayaa ugu sheegay in xalka labada dowladood uu yahay kan keliya ee lagu soo afjari karo colaadda muddada fog u dhaxeyso Israeliyiinta & Falastiiniyiinta iyo waddada keliya ee nabad waarta loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe.
Raysal Wasaaraha Ireland, Simon Harris ayaa Netanyahu ku booriyay in uu maqlo caalamka, isla-markaana uu u hoggaansamo xeerarka caalamiga ah.
Haddii dalalka reer galbeedka ay intooda badan hoos u dhigaan la macaamilkoodii Israel amaba xitaa haddii kala bar ay xiriirka diblomaasiyadeed u jaraan ayaa waxay taasi meesha ka saari doontaa dheelitirkii awoodda diblomaasiyadeed Israel ee dunida iyo xiriirkii ay la lahaayeen dibadda. Aqoonsiga reer galbeedka ee Dowladda Falastiin ayaa Falastiiniyiinta u ogolaaneysa in ay madaxa kor ula soo kacaan, walow inta laga hirgelinayo ay waqti qaadan karto.
Inkasta oo inta badan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ay haddaba aqoonsan yihiin Falastiin, haddana saamaynta togan reer galbeedka ee siyaasadda caalamka ayaa Israel ka caawisay inay noqoto dowlad militari ahaan xoog badan.
Ku dhawaad 150 dal oo ka mid ah 193-ka dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ayaa horey u aqoonsaday Dowladda Falastiin, kuwaas oo haddana aan intooda badan wax xiriir ahi la lahayn Israel, sababtu tahay diidmadooda, waxa ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta.