Ciidanka Guutada Gargaar ee Daraawiishta Galmudug oo garabsanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa maqribnimadii xalay weeraray maleeshiyada Al Shabaab ee fariisimaha ku leh deegaanka Qaycad ee Gobolka Mudug.
Ciidamada ayaa weerar ku ekeeyay afaafka hore ee deegaankan oo ku yaala koonfurta gobolkaasi, iyagoona dagaal culus kula galay maleeshiyadii ku sugneyd.
Cali Maxamed Maxamuud oo ka mid ah Saraakiisha Guutada Gargaar, isla-markaana hoggaaminayay hawlgalka ayaa sheegay in ay laba jiho ka weerareen deegaankaasi.
“Ilaahay baa ku mahadsan guulaha aan nimankaas ka gaarnay. Nimankaas cadowga ah il iyo aragti ayay noo tahay.” Ayuu yiri sarkaalkan oo intaa raaciyay “Waxaan ka war helnay meel ay isku uruursanayaan, meeshaas baan ku weerarnay, weerar laba jiho ah ayaana ku qaadnay. Guulo ayaan ka gaarnay oo jab baan ku gaarsiinay.”
Sarkaalkan oo xalay lagu wareystay meel u muuqatay inay ku dhow dahay goob dagaal ayaan sheegin cidda gacanta ku hayso deegaanka Qaycad, marka laga soo tago in ay guul ka gaareen hawlgalkaasi.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in mintidiinta Shabaabka ay difaacdeen gacan ku haynta Qaycad, taasina ay ka caawisay, markii ay gurmad ka heleen deegaanada ku dhow dhow deegaankaasi, sida Cammaara iyo Miiroon oo iyagu ay gacanta ku hayaan.
Dhulkan lagu la dagaalamay Shabaabka ayaa ah meel ay aad ugu xoogan yihiin, kana mid ah qaybaha ay ka maamulaan koonfurta Gobolka Mudug.
Shabaabka ayaa muddo dheer dhul ballaaran oo la degan yahay ka haysto koonfurta gobolkaasi, waxayna xitaa maamulaan inta badan dhulka hawdka ee gobolkaas oo gabaad ay ka dhiganayaan.
Inkastoo inta badan deegaanada hadda ay joogaan laga saaray sanadkii 2023, haddana waxaa u suurtagashay in ay dib ugu soo laabtaan, iyagoo ka faa’iideysanaya hakadka ku yimid hawlgaladii lagu la dagaalamayay.
Deegaanada Jowle, Eryaal, Dumaaye, Dabagalo, Miliqo, Miiroon, Dhalwo, Qodqod, Ceel Cabdi, Qaycad, Caad, Cammaara, Bacaadweyne, Shabellow, Jeex-jeexa, Yacgoos illaa aagga Dhagaxdheer oo qaarkood ay ku yaallaan meelo istiraatiiji ah ayaa waxaa ka arrimisa Al Shabaab, iyadoona laga xumo Jowle. Jowle oo hoostagta Degmada Xarardheere ayaa la aaminsan yahay in Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolka.
Jowle ayaa ah deegaanka ugu muhiimsan ee ay haatan Shabaabku ka joogaan gobolka, marka aad eegto in ay Xarardheere ku xiriiriso Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur.
Sanadkii 2023 oo uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ayaa waxaa dhowr jeer guuldareysatay qorshe la doonayay in lagu xoreeyo Jowle, waana Jowle oo Shabaabka Gobolka Mudug uu u soo maro gurmadka uga imanaya Gobolka Galgaduud.