Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay duqaynta diyaaradeed ee lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi

Wararkii ugu dambeeyay duqaynta diyaaradeed ee lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi

by Laacib

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxay xaqiijisay in duqayn xagga cirka ah Sabtidii lagu dilay Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibraahim oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sanaag.

Booliska Puntland ayaa sheegay in caaqilka oo keligiis la socday gaari uu weerarku ku qabsaday aagga Jincayo ee u dhaxeeya deegaanka Ceelbuh iyo Degmada Badhan ee gobolkaasi.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland, Gaashaanle Sare Aadan Axmed Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Degmada Badhan ayaa sheegay in marxuumka la dilay, xilli uu ka soo ambabaxay Ceelbuh, isla-markaana uu ku soo sii jeeday Degmada Badhan.

“Shalay abaare 2:30pm ee gelin dambe ayaa dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaanka Jincayo waxay Ciidanka Booliska ku soo wargeliyeen in duqayni ka dhacday ama ay ka socoto deegaankaas, oo ay marto waddada isku xirta Ceelbuh iyo Badhan.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Ciidanka Boolisku isla markiiba wuxuu u dhaqaaqay, sidii uu uga hawlgeli lahaa, waxayna taggeen goobtii uu ka dhacay falku. Sidii laga la socday Warbaahinta ama la arkayba meesha waxaan ugu tagnay gaarigii iyo meydkii marxuumka oo burbur weyn uu gaaray, xubno gaar ah oo is haysta ama la garan karo inay xubno bani’aadan yihiina aanay ku jirin.”

Taliyaha ayaa tilmaamay in baaritaanka horudhaca ah ay ku ogaadeen in diyaarad ay saddex gantaal la beegsatay gaariga Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi, xilli sida uu yiri uu ku jiray safarka waddadaas.

Ma sheegin dalka laga leeyahay diyaaradda dagaal ee duqaynta gaysatay, balse waxa uu sheegay in maamulku uu go’aansaday in la sameeyo baaritaan qoto dheer, isla-markaana ay sugayaan natiijada ugu dambeysa ee laga soo saari doono baaritaan dhameystiran oo sida uu sheegay la bilaabi doono saacadaha soo socda.

“Baarista qotada dheer ayaa lagu ogaanayaa sababta loo dilay marxuumka iyo cidda dishayba.” Ayuu yiri G/sare Aadan Axmed Cali, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag ee Puntland.

Duqayntan oo lagu sheegay mid aan horey nooceeda Gobolka Sanaag loogu gaysan Odayaasha Dhaqanka ayaa hadal hayn xoog leh ka dhalisay gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc