Home Wararka Maanta Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira duleedyada Degmada Xarardheere

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira duleedyada Degmada Xarardheere

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen duleedka degmadaasi.

Ciidanka Gorgor ayaa Khamiistii hawlgal u tagey deegaanka Bacadka Faarax Aadan oo hoostaga Degmada Xarardheere, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab lagu arkay meel u dhow deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda reer Xarardheere inay iyaguna u diyaargaroobayaan hawlgal ay tahay in ay ka sameeyaan tuulada Caalin oo hoostagta deegaanka Jowle oo ka mid ah deegaanada hoostaga Xarardheere.

Ciidamada ayaa waxay u muuqdaan kuwo ka jawaabaya maleeshiyada Shabaabka oo kordhiyay dhaqdhaqaaqyadooda deegaanada hoostaga ee Degmada Xarardheere.

Dadka reer Xarardheere ayaa kuu sheegaya in dhaqdhaqaaqyada Shabaabka ay cabsi ku abuurtay dadka deegaanka, inkastoo aysan hadda cabsidu ahayn, sidii bishii September oo kale, markaas oo la sheegay in ay magaalada ku soo dhawaadeen.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa ku andacoonaya in Shabaabku ay mar hore weerar ku soo qaadi lahaayeen Xarardheere, balse ay ka waabanayaan Kumaandooska Gorgor iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalo Qaran ee Militariga Somaliya oo degan magaaladaasi.

Waxaa jirta hal mid oo dadka reer Xarardheere ay ka mideysan yihiin, taas oo ah inta Shabaabku ay joogaan deegaanka Jowle ay khatar dhab ah ku tahay amniga magaalada.

Jowle ayaa ah deegaanka ugu muhiimsan amaba ugu weyn ee ay haatan maleeshiyada Al Shabaab ka joogaan koonfurta Gobolka Mudug.

Shabaabka ayaa Jowle ku leh taliskooda ugu weyn ee laga xukumo dhammaan deegaanada ay ka maamulaan koonfurta gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loo abaabulay la dagaalanka maleeshiyadaasi ayaa la aaminsan yahay in aysan hadda u diyaarsaneyn inay qabtaan deegaanka istiraatiijiga ah ee Jowle.

Shabaabka oo muddo dheer ka arriminayay Degmada Xarardheere ayaa laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023, markaas oo Gobolada Dhexe uu ka socday wejiga koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka.

Hawlgalkan ayaa sidoo kale Shabaabka looga saaray dhul ballaaran oo ay kaga sugnaayeen koonfurta gobolkaasi, walow ay dib ugu soo laabteen, ka dib markii ay hakadeen dagaaladii lagu la jiray.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc