Wararka ka imanaya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in duqayn xoogan ay duhurnimadii maanta ka dhacday Buuraleyda Calmiskaad ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in duqayntu ay ka dhacday galbeedka Calmiskaad, halkaas oo Ciidanka Puntland ay kula dagaalamayaan maleeshiyada Daacish.
Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa sheegay in firxadka maleeshiyadaasi lagu duqeeyay halka ay iska galaan Togga Baalade iyo Garoobaha.
Taliska ayaa qoraal ku sheegay in duqaynta uu gaystay Mareykanka, isla-markaana ay noqoneyso duqayntii labaad ee Mareykanku uu toddobaadkan u gaysto maleeshiyadaasi.
Duqaynta ayaa ciidamada ka caawineysa in ay hore ugu sii socdaan meelaha ay ku adkaato in ay galaan.
Ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku foogan Hawlgalka Ciribtirka Daacish ayaa taageero joogta ah oo xagga cirka ah ka helaya diyaaraadaha dagaalka Emirate-ka Carabta.
Ciidamada ayaa Daacishta Somaliya kula dagaalamaya jiidda galbeed ee Buuraleyda Calmiskaad, oo ah meeshii ugu dambeysay ee ay difaacaneyso.
Ciidamada oo bishii 10aad oo xiriir ah dagaal toos ah kula jira maleeshiyadaasi ayaa horey uga soo saaray aagagga bariga iyo bartamaha ee Calmiskaad.
Daacishta Somaliya ayaa wajaheysa cadaadiskii ugu weynaa ee militari, muddadii tobanka sano ahayd ee ay ka hawlgaleysay Gobolka Bari.
Madaxweyne Siciid CabdullaahI Deni ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in Puntland ay soo afjartay dagaalka xooggiisa, hawlgalka haatan socdana uu yahay mid haraadiga Daacish lagaga sifeynayo Calmiskaad.