Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Galgaduud ayaa muddeysay goorta ay bilaabeyso dhageysiga dacwadda loo haysto saddexda nin ee ku eedeysan dilka hooyada iyo saddexda hablood ay dhashay ee 8-dii bishii October la sheegay in loogu gaystay meel u dhow deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug iyo qoyska dhibaneyaasha ayaa rafcaan ka qaatay xukuno ay Maxkamadda Gobolka Galgaduud 19-kii October ku ridday raggaasi.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Xasan Cabdullaahi Cali ayaa xilligaasi sheegay in maxkamaddu ay Galad Axmed Xuseen, Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo Ayuub Maxamed Cabdi ku weysay dilka afartaasi qof, wuxuuse ku dhawaaqay in maxkamaddu ay min shan sano oo xarig ah ku xukuntay Cabdi Cismaan Cabdullaahi oo 23 jir ah iyo Galad Axmed Xuseen oo 23 jir ah, halka maxkamaddu ay Ayuub Maxamed Cabdi oo 25 jir ah ku xukuntay saddex sano oo xarig ah.
Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Galgaduud ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maalinta Arbacada oo ku beegan 5-ta bishan November ay bilaabi doonto dhageysiga dacwadda ciqaabta ee ka dhanka ah eedeysaneyaasha.
Maxkamadda ayaa waxay Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb, Gaashaanle Nuur Cilmi Maxamed fartay in uu diyaariyo maxaabiista, isla-markaana uu Arbacada horkeeno goobta ay ka dhaceyso maxkamadeyntooda, saacadda markay tahay 10-ka subaxnimo.
Dilka la sheegay in loo gaystay hooyo Sahra Cartan Xirsi iyo saddex gabdhood ay dhashay, laguna kala magacaabayay Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’isa Axmed Maxamuud ayaa carro ka dhaliyay Galmudug.