Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa lagu wadaa in uu kulamo siyaasadeed ka bilaabo Magaalada Muqdisho, xilli maanta uu dalka dib ugu soo laabtay, ka dib saddex sano iyo dheeraad oo uu ka maqnaa.
Xubno ay ka mid yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiin kale ayaa Madaxweynihii hore ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.
Ex Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka ugu soo laabtay arrimo la xiriira doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda lagu wado inay dalka ka qabsoomto, walow aan weli heshiis lagu ahayn nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto 2026.
Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo uu qayb ka noqon doono dadaalada gudaha ee xalka loogu raadinayo in la dhameeyo khilaafka masiiriga ah ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee la xiriira doorashada dalka, isla-markaana ka dhashay wax ka bedelki 30-kii bishii March ee sanadkii 2024 lagu sameeyay afar ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG uu ka kooban yahay.
“Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxa uu sii xoojinayaa dadaalada heer qaran ee ku aaddan xal u helidda xasillooni darrada siyaasadeed, qabsoomidda doorasho loo dhan yahay iyo adkaynta midnimada dalka oo wajaheysa halis weyn.” Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka mid ah xubnaha sida dhow loola xiriiriyo Farmaajo.
Ina Xaashi ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay “Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu kulamo wadatashi oo ku saabsan xaaladda dalka iyo duruufaha ay la daalaa-dhacayaan shacabka Soomaaliyeed la qaadan doonnaa hormuudka siyaasadda, masuuliyiin iyo haldoorka bulshada.”
Imanshaha Farmaajo ee dalka ayaa ku soo aadeysa, iyadoo uu is mar-waa ku saabsan doorashada uu muddooyinkanba u dhaxeeyay Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta iyo Villa Somalia.
Bishii August 13-keedii ayaa waxaa natiijada la’aan ku soo dhammaaday kulamo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la lahaa Xubnaha Madasha Samatabixinta, ka dib markii ay isla meel dhigi waayeen in laga laabto qodobadii la bedelay ee Dastuurka Qabyo Qoraalka, si marka hore loogu heshiiyo, haddii wax laga bedelayo iyo haddii kaleba.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka biyo diidan qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada 2026, iyagoona ka digay in dalka laga qabto doorasho aan heshiis lagu ahayn.
Farmaajo waa Madaxweynihii ugu dambeeyay ee dalka, inta doorasho lagaga guuleysto xilka wareejiya, dowladduna waxay ogtahay in uu saamayn siyaasadeed leedahay.
Farmaajo waxaa lagu tiriyaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dowladda Federaalka, inkastoo uu u dhaqmayo sida siyaasi keli-duul ah, marka aad eegto in aanu xubin ka ahayn isbahaysiyada ay ku mideysan yihiin Xubnaha Mucaaradka.
Farmaajo ayaa waxaa suurtagal ah in billaha soo socda uu si toos ah ugu xirto siyaasiyiinta ka aragtida duwan Villa Somalia, si uu u mucaarado siyaasadda qaran ee dowladdu ay dalka ku gaarsiineyso doorashada qofka iyo codka ah.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan dalka ka qaban karin doorasho aan heshiis lagu ahayn, maadaama ay ka warqabto in Beesha Caalamka aanay wax dhaqaale ahi ku bixin doonin doorasho lagu kala qaybsan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daba-yaaqadii bishii August hal tallaabo u qaaday tanaasulka looga baahan yahay in dowladdiisu ay sameyso, markaas oo uu ogolaaday in Madaxweynaha xiga ay soo doortaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, balse ay dadweynuhu si toos ah u soo dooran doonaan Goleyaasha Deegaanka, Xildhibaanada Baarlamaanka ee Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaalba.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa go’aankan qaatay heshiis uu xilligaasi la galay afar ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta, kuwaas oo mab’da ahaan ka tanaasulay mucaaradnimadooda. Siyaasiyiintan ayaa kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Daahir Maxamuud Geelle iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
