Diyaarado dagaal ayaa Jimcihii waraaqo digniin ah ku daadiyay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo ay digniintan si toos ah ugu socotay dadka deegaanka.
Waraaqaha ayaa waxaa ku qornaa farriimo dadka reer Jilib loogu sheegayo inaanay ku dhex milmin maleeshiyada Al Shabaab iyo in ay ka fogaadaan goobaha ay ku badan yihiin amaba ay ku sugan yihiin kooxaha hubeysan.
Diyaaradahan oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa dadka la wadaagay in ay bartilmaameed yihiin kooxaha argagixisada iyo meelaha ay ka joogaan magaalada.
Shacabka ayaa laga dalbaday si badqabkooda loo sugo inay hadda tahay inay isaga fogaadaan dhammaan bartilmaameedyada ay Shabaabku ku leeyihiin magaaladaasi.
Tani ayaa imaneysa saacado uun ka dib, markii diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay duqaymo ka gaysteen Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanada qaar ee hoostaga.
Khamiistii ayay ahayd, markii Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay xagga cirka ka garaaceen guri ay ku shirayeen horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab oo ku yaala Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.
Waraaqahan lagu daadiyay Jilib ayaa calaamad u ah in ay jiri doonaan weeraro xagga cirka ah, oo ka dhan ah Al Shabaab oo laga fulin doono magaaladaasi.
Jilib iyo magaalooyinka kale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayay Al Shabaab si buuxda uga arrimineysay 18 sano, waxaana xusid mudan in gobolkan uu yahay kan keliya ee dalka ay Al Shabaab wada haysato.
Jilib ayaa macno weyn ugu fadhiso Shabaabka, marka aad eegto in ay tahay taliska ay ka hoggaamiyaan hawlgaladooda dalka.