Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka xoog ku galeen saldhig ay Ciidanka Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Kudhaa ee gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay laba jiho ka weerareen saldhiggaasi, ka hor inta aan deegaanka laga maqlin qarax aad u weyn.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Jubbaland ay isaga baxeen saldhiggaasi, iyada oo aan la aqoon goobta dhabta ah ee ay aadeen.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Al Shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayso saldhigga iyo deegaankaba.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay ka carareen guryahooda, iyaga oo ka baqaya in Shabaabka soo duulay ay dhibaateeyaan.
Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay weerar cagmarin ah ku qaadeen ciidamadii ku sugnaa deegaankaasi.
Al Shabaab waxay sheegtay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac fara-badan oo ciidamada lagu gaarsiiyay dagaalka, maxaabiis laga qabtay, hub iyo saanad ciidan ay sheegtay in laga furtay.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarkan ay Shabaabku isugu soo fidiyeen Kudhaa, oo ah deegaan xeebeed jasiirad ah, wuxuuna deegaankan hoostagaa oo uu ka tirsan yahay Degmada Badhaadhe.
Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika oo in ka badan 10 sano deganaa saldhiggan ayaa ka guuray bishii October ee sanadkii 2024, ka dib markii uu saameeyay qorshihii lagu yareynayay tirada Ciidanka Midowga Afrika ee dalka ku sugan.
Ciidanka Jubbaland oo xilligaasi si buuxda ula wareegay saldhigga ayaa tan iyo xilligaasi gacanta ku hayay maamulkiisa. Ciidamada ayaana dhowr jeer oo hore iska caabiyay weeraro uga yimid Al Shabaab.
Ciidanka Jubbaland ayaa saldhiyo yaryar oo amniga lagu sugo ka sameystay gudaha iyo bannaanka Kudhaa, waxaana intaba maanta la wareegtay Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa la xusuustaa in deegaanka ay dagaal kula wareegtay 8-dii bishii November ee sanadkii 2014, waxaana dib looga riixay 22-kii bishii March ee sanadkii 2015. Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland ayaa xilligaasi si buuxda dib ugu la wareegay gacan ku haynta Kudhaa.
Weerarkan ayaa waxa uu noqonaya kiisii ugu weynaa ee wixii xilligaasi ka dambeeyay ka dhaca Kudhaa, oo ku taala goob istiraatiiji ah.
Qabsashada Al Shabaab ee Kudhaa ayaa caqabad ku noqon karta hawlgalkii ugu dambeeyay ee Jubbaland ku taameysay in ciidamadeeda ay ku qabsadaan Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Jubbaland ayaa illaa bishii November ee sanadkii hore culeys ku hayay Shabaabka Jamaame. Jamaame ayaan mar keliya laga fara maroojin Al Shabaab oo sanadkii 2008 qabsatay.