Home Wararka Maanta Ciidanka NISA oo la sheegay inay qabteen shabakad argagixiso

Ciidanka NISA oo la sheegay inay qabteen shabakad argagixiso

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay gacanta ku dhigeen shabakad argagixiso oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo qorsheynayay inay si qarsoodi ah ku soo galaan Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay uga gaystaan falalka liddi ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

NISA ayaa waxay kaloo sheegtay in ciidamadeeda ay hawlgalka ku qabteen qaraxyo, hub iyo gaadiid ay xubnahaasi doonayeen inay u adeegsadaan falalkooda argagixiso.

NISA ayaa warsaxaafadeed ay caawa soo saartay ku sheegtay in xubnaha shabakadda ee la hayo la horgayn doono sharciga, si ay caddaaladda u wajahaan.

Warsaxaafadeedka ayaan lagu xusin goorta gacanta lagu soo dhigay xubnahaasi, halka ay ka yimaadeen iyo weliba cidda dhabta ah ee ay ka tirsan yihiin, marka laga soo tago inay yihiin shabakad argagixiso oo ka tirsan Khawaarijta. Dalka ayaa waxaa Khawaarij looga yaqaanaa maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.

Warsaxaafadeedka NISA ayaa u qornaa:-

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa shan (5) xubnood, kuwaas oo qorsheynayay in ay si qarsoodi ah ku soo galaan Magaalada Muqdisho, si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen ayaa sidoo kale hawlgalkaas ku soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub iyo gaadiid, kuwaas oo ay qorsheynayeen in ay u adeegsadaan falalkooda argagixiso.

Shabakaddan ka tirsan Khawaarijta ayaa loo gudbin doonnaa hay’adaha caddaaladda, si loo marsiiyo sharciga, waxayna Hay’adda NISA uga mahadcelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed wada shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga oo mar walba u taagan difaaca shacabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc