Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda, General Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in 19 sano ka dib ay qorsheynayaan inay ciidamadooda kala baxaan Somaliya.
Taliyaha ayaa maanta bartiisa Twitter-ka ku qoray inay ku tala jiraan in ay dhawaan si buuxda ciidamadooda uga la baxaan Somaliya, isaga oo aan wax sabab ah sheegin.
Militariga Uganda ayaa qayb ka ah Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.
Uganda waa dalkii ugu horreyay oo African ah oo ciidan ku yabooha Hawlgalka Midowga Afrika ee lagu caawiyo Somaliya.
Militariga Uganda ayaa bishii March ee sanadkii 2007 ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxaana xilligaasi lagu aasaasay hawlgalkii la oran jiray AMISOM.
Uganda waa dalka ay ciidamada ugu badan ee Nabad Ilaalinta ah ka joogaan Koonfurta Somaliya.