Madaxtooyada Jubbaland ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay is hortaagga maanta lagu sameeyay Ilaalada Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee lagu waday inay ka deggaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxay sheegtay in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si aad ah uga xun tahay go’aanka Dowladda Federaalka, oo ay sheegtay in halis toos ah lagu geliyay Ilaalada Gaarka ah ee Madaxweynaha iyo wafdiga horudhac u ah wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe ee shirka kaga qaybgelaya Magaalada Muqdisho, ka dib markii hawada laga soo celiyay diyaaraddii ay la socdeen, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu ay haysato shidaal ku filan iyo in kale.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay inay ku kadsoomeen go’aan cusub oo si lama filaan ah loo soo saaray, kaasoo ahaa midka dib loogu soo celiyay diyaaradda, iyadoo markii hore imaanshaha wafdiga hordhaca ah lala socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka iyo laamaha amniga.
“Bilowgii safarka, diyaaradda sidday xubnahan oo ka soo duushay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaa si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, Guddiga Qaban-qaabada Shirka iyo laamaha amniga ee Dowladda Federaalka. Hase yeeshee markii diyaaraddu ku dhowaatay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa si lama filaan ah loo soo saaray go’aan cusub, oo ah inay dib ugu laabato Magaalada Kismaayo, iyadoo aan la hubin in diyaaraddu haysato shidaal ku filan, o ay dib ugu laaban karto Magaalada Kismaayo. Arrintan waxay ka tarjumeysaa masuuliyad darro weyn iyo go’aan cadownimo ah oo halis geliyay nolosha wafdiga horudhac ah.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka ku eedeysay in iyadoo ka caga jiideysa qabsoomidda shirka ay u muuqato inay ka go’an tahay in ay waddo walba u marto baajinta shirkaasi.
“Dowladda Federaalka oo ka caga jiideysa qabsoomidda Shirka Wadatashiga ee Muqdisho, waxay u muuqataa in ay ka go’an tahay inay waddo walba u marto baajinta shirkaasi, arrintaas oo muujineysa niyad sami la’aan iyo ka go’naansho la’aanta in xal laga gaaro xaaladda cakiran ee dalka.” Ayay Madaxtooyada Jubbaland ku sheegtay warsaxaafadeedka.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka masuul tahay sugidda amniga ee wafuudda, isla-markaana aan loo baahneyn in ilaalo aad u hubeysan lala yimaado Muqdisho.
Xiisaddan siyaasadeed ee soo korortay ayaa waxaa suurtagal ah in ay caqabad ku noqoto shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka ee la qorsheeyay in lagu qabto Magaalada Muqdisho.