Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan caasimadda u iman inay maalmo yar joogaan, ka dibna ay isaga laabtaan, balse ay u yimaadeen in la gaaro xalka Somaliya.
Madaxweynaha Jubbaland iyo dhiggiisa Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehliyaan xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa in ay Muqdisho kaga qaybgalaan shirka ay la leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka ee xalka loogu raadinayo khilaafka ka taagan doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay sanadkan ka qabsoomto dalka.
“Waa run Muqdisho waan nimid, martina kuma nihin, hotelkaana waan soo degnay, horaana u soo degi jirnay. Ma aanan u iman intaan laba maalin joogno, maalin joogno maalinta labaad noqonee waxaan u niman Somaliya inaan xalkeeda gaarno iyo talo la wada leeyahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo caawa ka hadlayay kulanka ay Xubnaha Golaha Mustaqbalka ku yeesheen Muqdisho.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inay hadda ka shaqeynayayaan isaga iyo xubnaha kaleba, wixii ay shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka wada shaqeynayeen, oo uu ula jeedo inay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.
“Wixii saaxiibkay Madaxweyne Xasan Sheekh shalay aan ka wada shaqeynaynay baan ka shaqeynaynaa haddana. Isagaa naga maqanee, isaguna haku soo biiro.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ka dhawaajiyay inuu ka xun yahay arrinta ka taagan Baarlamaanka Somaliya ee sababtay inay Xildhibaanada laba garab u kala jabaan, ka dib markii Dowladda Federaalka ay horgeysay ajande wax looga bedelayo shan cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka KMG uu ka kooban.
Axmed Madoobe oo sii hadlayay ayaa yiri “Waan wada hadli doonnaa, nabad baan u nimid, xal wadankan in laga gaaraa u nimid, mustaqbalka Dowladnimada Somaliya inaanay burburin baan u nimid.”
Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray “Reer Muqdisho waynu is haynaa, waan idiin joognaa, talo ayaan ku tagi doonnaa. Waxaan wada leenahaa ka wada shaqayn doonnaa, wax Soomaali u dhaxeeyo ayaan isu la iman doonnaa, taasaana ka shaqeynaynaa. Kulamo badan, wada hadalo badan iyo xiriiro badanna waan samayn doonnaa.”
Kulankan ay Golaha Mustaqbalka ku yeesheen Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee qaadacay ka qaybgalka fadhiyada wadajirka ah ee wax ka bedelka loogu sameynayo cutubyada qaar ee Dastuurka Dowladda Federaalka.
