Home Wararka Maanta Geyiga Soomaalida oo maanta si wadajir ah looga ciidayo

Geyiga Soomaalida oo maanta si wadajir ah looga ciidayo

by Laacib

Dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay kaga dhaqan yihiin geyiga Soomaalida, waxay maanta u ciidayaan si isku mid ah, iyadoo aanu khilaaf jirin, sidii dhici jirtayba ciidaha qaar.

Iyadoo dadku ay u dabaal-degayaan munaasabadda maalinta 1aad ee Ciidul Fidriga ayaa waxay dadweynuhu saaka Salaadda Ciidda ku oogeen Masaajidda iyo fagaareyaasha ku yaala magaalooyinka waaweyn iyo deegaanada kale ee dhulka Soomaalida, lamana soo sheegin deegaan dhulka Soomaalida ka mid ah oo aan maanta laga tukan Salaadda Ciidda.

Sidoo kale inta badan dalalka Islaamka iyo wadamada kale ee ay Muslimiinta ku nool yihiin ayaa Jimcahan laga ciidaya.

Guryuhu waa kuwo camiran, qoysaskuna waxay qaabilayaan ehelada iyo saaxiibada soo booqanaya, oo ay isugu hambalyeynayaan munaasaabadda ciidda.

Maanta waa maalin ka duwan bishii Ramadan oo dadka ay soomanaayeen, marka aad eegto in Muslimiinta ay wax cunayaan, taasoo calaamad u ah in Soon-qaadkii uu dhamaaday.

Ciidda maanta ayaa geba-gabo u ah bisha barakaysan ee Ramadan, waana mid ka mid ah labada ciidood ee Islaamka uu leeyahay.

Ciidul Fidriga ayaa u taagan weynayn la weynaynayo maalmihii iyo habeenadii ay dadku cibaadada badan sameynayeen, intii lagu jiray bishii ina dhaaftay ee Ramadan, oo ah bisha ugu fadliga badan ee billaha Islaamka.

Ciidda Carafo ayaa ah Ciidda Labaad ee Islaamka uu leeyahay, waxayna iyana geba-gabo u tahay gudashada acmaasha Xajka iyo taagnida Xujeyda ee Banka Carafo. Ramadanka iyo Xajkuba waxay ka mid yihiin shanta tiir ee aasaaska u ah Islaamka.

Labada ciidood ee Islaamka uu leeyahay ayaa si weyn looga dareemaa dunida Muslimka, iyadoona dadku ay muujiyaan farxadda maalmahaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc