Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo ka hadashay dagaalka Degmada Jalalaqsi

Dowladda Federaalka oo ka hadashay dagaalka Degmada Jalalaqsi

by Laacib

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ayaa war ka soo saartay laba maleeshiyo beeleed ee labadii maalmood ee u dambeeyay ku dagaalamay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wasaaradda oo walaac ka muujisay colaaddan ka soo cusboonaatay degmadaasi ayaa dhanka kale ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda.

Warka wasaaradda ayaa u qornaa:-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta waxay si dhow ula socotaa, kana muujinaysaa walaac iyo murugo qoto-dheer colaadda iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, taasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhex maray beelo walaalo ah Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo falalka beegsiga ah ee sababay dhimasho, dhaawac, gubid, dhac hantiyeed iyo sidoo kale barakac baahsan oo soo gaaray shacabka deegaanka.

Waxaa tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa dadka Baraha Bulshada ku faafinaya falalka foosha xun ee kicinta iyo iskudirka bulshada xambaarsan.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadda, adkaynta nabadda, xoojinta wada noolaanshaha bulshada iyo ka shaqaynta xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka jira.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo dhammaan intii ku geeriyootay dhacdooyinkan murugada leh, dhaawacyadana u boogo-dhayo, shacabka ay dhibaatadu saameysayna ka dulqaado xaaladaha adag ee ay wajahayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc