Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa lagu wadaa in maanta ay wada hadalkii saddexaad ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb, ka dib markii aan wax horumar ah laga samayn wada hadaladii Jimcihii iyo Sabtidii ay ku yeesheen magaaladaasi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa iska diiday dalab uu Agaasimaha NISA u soo bandhigay, oo ah in aanu tartamin doorashada madaxtinimada maamulka, si uusan caqabad ugu noqon musharaxa ay wadato Villa Somalia, isagoo markaasi ku bedelanaya xubno ka mid ah qoyskiisa oo jegooyin laga siinayo Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu doonayo in iyadoo aan waqti la lumin diiradda la saaro, sidii xal looga gaari lahaa geeddi-socodka doorashada iyo shaqada Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo buuq uu hareeyay.
Madaxtooyada Galmudug ayaa Guddiga Doorashooyinka ku eedeynaysa in ay dhinac gaar ahi la safan yihiin, isla-markaana aysan qaban karin doorasho loo dhan yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Qoorqoor uu ka digayo in Dowladda Federaalka ay siyaasad hal dhinac ah ku wajahdo doorashada soo socota, si looga fogaado cawaaqib xumo ay ku yeelato arrimaha masiiriga ah ee dadka reer Galmudug.
Saraakiisha Madaxtooyada Galmudug ayaa kuu sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uu ku taagan yahay mabda’a doorasho daahfuran oo laga qabto deegaanada Galmudug, taasoo uu qabo inay ku jirto danta reer Galmudug, isla-markaana ay ka hortageyso musuqmaasuq, khilaafka oo daba dheeraada, dib-u-dhac maamul iyo kala qaybsanaan bulsho.
Wada hadalka Axaddan ayaan laga fileynin natiijo wax ku ool ah, haddii aan la helin tanaasulka muhiimka u ah inay doorashadu noqoto mid sharciyad iyo wadar ogol ku dhisan.
Wada hadalka oo mira-dhala ayaa baajin kara koror xiisadeed, qalqal amni iyo in xitaa uu dagaal ka qarxo Dhuusamareeb, taasna waxay mustaqbalka dhaawici doontaa xasilloonida iyo midnimada dadka deegaanka.
Safarka Mahad Salaad ee Dhuusamareeb ayaa yareeyay walaacii ay dadku ka qabeen suurtagalnimada in lagu dul dagaalamo, laakiin haddii ay wada hadaladu guuldareystaan walaacoodu wuxuu noqon doonnaa mid aan laga gudbin.
Geeddi-socodka xilliga kala guurka siyaasadeed ee Galmudug ayaa ku jira marxalad aad u xasaasi ah.