Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada (SAWIRRO)

Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha Ciidamada (SAWIRRO)

by Laacib

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo shalay dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga magaaladaasi, ka dib weerarkii ay habeenkii hore ka gaysteen ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

War ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in kulanka ay ka qaybgaleen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, saraakiisha kala duwan ee ciidamada ammaanka, Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud, dardargelinta wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo maamulka, sare u qaadidda feejignaanta ciidamada iyo sidii loo adkayn lahaa qorsheyaasha lagu ilaalinayo nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka.” Ayaa lagu yiri warka.

Aadan Madoobe ayaa laamaha amniga faray in ay laba laabaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga, ka hortagga falalka liddiga ku ah nabadgelyada iyo inay wada-shaqayn dhow yeeshaan.

“Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray hay’adaha amniga inay sii laba jibaaraan dadaalada ay ugu jiraan sugidda amniga, ka hortagga falalka liddiga ku ah nabadgelyada iyo ilaalinta shacabka, isagoo ku adkeeyay in si dhow la isku la shaqeeyo, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed Somaliya.” Ayaa lagu yiri warka.

Ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen ayaa isku dayaya in ay sii wadaan weerarada ay ka gaysanayaan magaalada, taasoo caqabad ku ah xasilloonida iyo deganaanshaha Baydhabo, oo ah Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xaaladdan ayaa ka dhalatay is bedelkii siyaasadeed iyo amni ee 30-kii bishii March ka dhacay Baydhabo ee meesha lagaga saaray Maamulkii Laftagareen.

Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa haatan ah mid degan, balse dareenka dadka deegaanka ayaa ah mid kacsan.

Sii socoshada weeraradan ayaa taabanaya masiirka amni ee qof walba oo ku nool magaaladaasi, marka aad eegto in dadku ay si isku mida uga walaacsan khilaafka aan weli la xalin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc