Home Wararka Maanta Ciidamada oo sii wada gulufka ay ku hayaan Shabaabka Gobolka Jubbada Hoose

Ciidamada oo sii wada gulufka ay ku hayaan Shabaabka Gobolka Jubbada Hoose

by Laacib

Militariga Somaliya iyo Ciidanka Jubbaland ayaa toddobaadkii labaad maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo xagga cirka ay ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamka ayaa maleeshiyada kula dagaalamaya deegaanada istiraatiijiga ah ee qaarkood u dhaxeeya Magaalooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

Hawlgalkan ayaa ah mid ay ciidamadu diiradda ku saarayaan dhulka hawdka ee deegaanada Harboole iyo Dhasheeg Waamo.

Hawlgalka dhulka iyo cirka ayaa lagu dilay toboneeyo ka tirsan maleeshiyada, iyadoo sidoo kalena lagu burburiyay dhufeysyo iyo godad ay gabaad ka dhiganayeen.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa hoggaaminaya hawlgalka, waxaana ku wehlinaya Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Saraakiisha Ciidamada ayaa hawlgalka ku sheegay mid looga gol leeyahay dabar-goynta iyo baacsiga kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada hoostaga Afmadow.

Ciidamada ayaa waxaa muuqato in ay dhul hor leh isku fidinayaan, mar kasta oo hawada laga garaaco goobaha ay Shabaabku ku sugan yihiin.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay inaanu hawlgalkan joogsan doonin, illaa iyo inta kooxahaasi laga ciribtirayo deegaanka Dhasheeg Waamo.

Dhasheeg Waamo ayaa ah mid ka mid ah deegaanada ay Shabaabku ka ilaaliyaan amniga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

La wareegitaanka Dhasheeg Waamo ayaa culeys ku ah Shabaabka Gobolka Jubbada Hoose, waxayna xitaa carqaladayn kartaa joogitaankooda Jilib, oo ay ku leeyihiin saldhiggooda ugu weyn ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc