Ururka Al Shabaab ayaa Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ka wada dhaqdhaqaaq ay ku abaabulayaan maleeshiyadaad ka hortaga ciidamada hawlgalka is ballaarinta ka wada Gobolka Jubbada Hoose ee ku sii siqaya xuduudda labada dal.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad wata tiro gaadiidka dagaalka ah ay gelinkii dambe ee Axaddii u ruqaansadeen dhinaca Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose, si ciidamada ku uruursan hawdka deegaanka Miido aysan ugu soo gudbin degmadaasi. Miido ayaa hoostagta Degmada Afmadow.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay abaabulayaan maleeshiyaad kale, kuwaas oo la filayo inay u soo diraan dhinaca Waddada Cagbaruur, si ay u fashiliyaan weerarka ku wajahan deegaanka Qalaawilaha, oo ah marin halbowle ah oo isku xira Degmooyinka Jilib iyo Afmadow.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay xoojin ahaan u adeegsanayaan maleeshiyadoodii dhawaan dib uga gurtay deegaanada dagaalka looga qabsaday.
Yoolka ugu weyn ee Shabaabka ayaa u muuqdo inay difaacdaan gacan ku haynta deegaanka istiraatiijiga ah ee Qalaawilaha, kaasoo muhiim u ah isu socodka Jilib, Afmadow iyo Xagar.
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya Daraawiishta Jubbaland ayaa ku sugan meel aan sidaasi uga fogayn Qalaawilaha, iyadoona imaanshahooda halkaasi uu culeys ku yahay amniga Jilib.
Dadka reer Jilib ayaa kuu sheegaya in hawlgalka ku fidaya xuduudda Gobolada Jubbooyinka uu cabsi ka huriyay gudaha magaalada.
Ciidamada ayaa wada guluf xoog leh oo dhanka dhulka iyo cirka ah, oo lagu beegsanayo xarumaha Al Shabaab ee labada gobol.
Saaxiibada caalamiga ah oo xagga hawada ka taageeraya ciidamada ayaa horseeday in Shabaabku ay maalmihii u dambeeyay lumiyaan deegaano dhowr ah.
Shabaabka ayaa hawlgalkan u arka mid xasaasi ah oo cawaaqib amni ku yeelanaya joogitaankooda Gobolka Jubbada Dhexe, oo ah gobolka qura ee dalka ee ay gacanta ku wada hayaan.
Degmada Jilib ayaa ah xarunta ugu weyn ee ay Shabaabku maamulaan, waana tan keeneysa inay isku dayaan in ay difaacdaan.
Ciidamada ayaan culeys noocaani oo kale ah horey u saarin Jilib, in ka badan 18 sano oo Al Shabaab ay ka arrimineysay.