Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliya ku eedeeyay inaysan lahayn mowqif sugan, isla-markaana ay door bidayaan nidaam ku dhisan nin jecleysi, halkii ay diiradda saari lahaayeen dhismaha hay’ado dowladeed iyo nidaam sharciyeysan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay inay jiraan siyaasiyiin aan mowqif lahayn, oo maalin taageersan dowladda, maalinta kalena la safan mucaaradka, kuwaas oo uu uga digay in mowqif la’aantooda ay ku macno beelayaan.

“Kuwa qaarkood ee marna dowladda u soo cararaayo, marna dowladda inta diidan u sii cararaaya ee dhexda ah, waxaa la yiri hasha labada geel jecel, dhexdaa waraabe ku cunaa. Waa macno beeleysiin, mowqif yeelo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Kaas bannaanka taagan ee qaylinaya ee dowladnimaduu caqabad ku yahay aan leeyahay ayaa ka khayr badan, kan maalin inta u soo carara, maalina xagga u sii carara.”

Madaxweynaha ayaa siyaasiyiintaas oo aanu magacyadooda sheegin ugu baaqay “Qof ayuu Ilaahay kaa dhigay ee mowqif yeelo. Mowqifkaaga caddeey, in kuugu raacdo ayaad helee, in kuugu diidana waa helee.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xaqiijiyay in caqabadda ugu weyn ee Somaliya haysata ay tahay siyaasadda, sababtuna waa inaanu dalku lahayn hannaan siyaasadeed oo qoto dheer.

“Midda aan mar walba ku celcelino oo meesha aan u bugno oo maanta aan ugu liidano ee aan ka dhutinaynaa waa siyaasadda.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo intaa raaciyay “Soomaalidu shirkadaha iyo ganacsiga way nidaamsadeen, inta badan ganacsigu isma haysto, hadduu bankiyo, isgaarsiin, xawaalad, shirkad dhismo yahay, shirkad dibadda wax u dhoofiso ama mid dibadda wax ka keenta yahay, intaba. Soomaali kala duwan oo gees ka gees Somaliya ku kala nool ayaa wa-xoogaagii yaraa ay haysteen inta isku keensaday isku biirsaday ayaa keligiis waxa uuna qaban karin qofkii ayay u suurtagashay inay qabtaan.”

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Sidoo kale dowladnimadana markaan isku keensano, sidaas ayaa waxaan anigu qaban karin oo qof iyo qabiil qaban karin ayaa noo suurtageli karo oo qaban karnaa, laakiin markaan iraahdo anigaa ah, siyaasadda annaa ah, waxa aan rabaa ah iyo sida aan u rabo ayay tahay, meel ma tagi karo, anigu meel ma tagi karo. Siyaasaddeenna waa qofeysan tahay, waxaana rabnaa qofka inaan ka saarno siyaasadda, dowladnimo xoogan oo hana qaaddo oo shaqeysa intaasaa naga xigto.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu maanta xarigga kaga jaraayay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc