Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha CXD oo la kulmay Guddiga Istiraatiijiyadda Ciidanka (SAWIRRO)

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha CXD oo la kulmay Guddiga Istiraatiijiyadda Ciidanka (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Militariga ayaa si wadajir ah u guddoomiyay shirkan, oo lagu fallanqeeyay warbixino iyo aragtiyo la xiriira horumarinta, dib-u-dhiska iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska.

Shirka ayaa waxaa qaybgalay xubno ay ka mid yihiin Taliyeyaashii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

“Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta qorsheyaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo xubnaha guddigu ay Wasiirka u soo bandhigeen warbixino iyo talooyin ku saabsan xoojinta awoodda ciidanka iyo dardargelinta geeddi-socodka dib-u-dhiska Ciidanka XDS.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Warka ayaa waxa kaloo lagu yiri “Guddigan oo ay ka tirsan yihiin saraakiil sare oo door muhiim ah ka soo qaatay dib u aasaaskii iyo hoggaamintii Ciidanka XDS, ka dib burburkii Dowladdii Dhexe ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee lagu tayeynayo Ciidanka, si loo helo ciidan awood u leh gudashada waajibaadkiisa qaran ee difaaca dalka, ilaalinta madaxbannaanida iyo sugidda amniga guud ee dalka.”

Warka ayaa intaasi ku daray “Ugu dambayntii, Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa ku booriyay guddiga inay sii xoojiyaan shaqooyinka, daraasadaha iyo talooyinka istiraatiijiyadeed ee ay wadaan, si loo xaqiijiyo yoolalka mudnaanta u leh dhismaha, casriyaynta iyo tayaynta Ciidanka XDS.”

Guddigan ayaa waxay shaqadoodu tahay in mar kasta la cusbooneysiiyo qorsheyaasha dagaalka, tayaynta ciidamada iyo qalabka, si mudnaanta koowaad loo siiyo shaqada, iyadoo laga guurayo hababka duqoobay ee lagu shaqeynayay dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay, iyadoo markaasi lala jaanqaadayo is bedelada casriga ah.

Guddigan oo dhawaan uun la aasaasay ayaa ah guddi farsamo oo loo xilsaaray inay ka soo tala bixiyaan dib-u-habaynta, casriyaynta iyo qorshaynta mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, si looga faa’iideysto khibradda saraakiishii hore ee Militariga Somaliya, kuwa hadda ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwooda aan ka tirsaneynba, balse diyaarka u ah inay qarankooda u adeegaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc