Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Magaalada Muqdisho, tan iyo markii uu ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoona ay ku soo dhaweeyeen Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, masuuliyiin kale iyo weliba dad shacab ah.
Madaxweynaha Galmudug oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ayaa sheegay in ay ciyaartii soo dhamaatay, oo uu uga la jeedo xiisadda siyaasadeed ee Galmudug.
“Deegaankii ayaan ka nimid ee aad nagu ogeydeen, nabad, barwaaqo, doorasho iyo horumar baana ka socda.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaa raaciyay “Waxa kaloo ka socdo is ogol, isu tanaasul iyo is rabitaan.”
Madaxweyne Qoorqoor oo ay garab taagnaayeen Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad iyo Liibaan Axmed Xasan, oo ah Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ku meteli doona doorashada soo socota ee Galmudug ayaa muujiyay in siyaasaddu ay leedahay loolan xamaasad leh, laakiin marka ay xiisaddu dhamaato ay sharaf iyo qurux tahay in gacmaha la is qaado oo la is cafiyo.
“Rag badan oo saaxiibo nahay, mararka qaar kabahaa la isaga istaagaayee baan galabta halkaan isugu nimid. Siyaasadda ayaa waxay leedahay marmar in kabta la isaga istaago, wax la isku qabaana ma jiraan. Marka ciyaartii way soo dhamaatayee caadi ha la iska dhigo.” Ayuu yiri Qoorqoor.
Qoorqoor ayaa waxa uu weedhaan u adeegsaday, si uu ugu xoojiyo hadalkiisii hore ee daba-yaaqadii bishii June uu ku dejinayay xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysay Madaxda Dowladda Federaalka.
“Ciyaartii hore way soo dhamaatay. Odaytinimo, inaan wax maslaxo iyo inaan wax xaliyo waxaan ahayn, hadda ka bacdi la iguma imaan maayo.” Ayuu yiri Qoorqoor oo intaasi ku daray “Hadda iyo bog cusub iyo inaan hore u socono, midda Somaliya-na aan hore u wada wadno, midda reer Galmudug-na way xalisan tahay, xal bayna ku dhamaan doontaa.”
Qoorqoor ayaa maalmaha soo socda sii jooga doona Caasimadda Muqdisho, iyadoona la filayo in uu kula kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.
