Raysal Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez ayaa ku tilmaamay qulqulka muhaajiriinta faraha badan ee Jasiiradda Ceuta duulaan ka dhan ah Spain.
Tobanaan kun oo qof ayaa Khamiistii gaaray Jasiiradda Ceuta ee ku taala xadka Spain iyo Morocco, iyadoona Madrid ay halkaasi u dirtay ciidamo militari ah, si ay u xakameeyaan xaaladda.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Spain in ka badan 50,000 oo qof ayaa si sharci-darro ah ku soo galay jasiiraddaasi, badankooduna ay soo galeen iyagoo dabaalanaya. Wasaaradda ayaana xaqiijisay in 34 qof ay ku dhinteen badda, intii ay isaga tallaabayeen biyaha Morocco iyo Spain.
Raysal Wasaaraha Spain oo maanta booqday Ceuta ayaa sheegay wixii shalay ka dhacay halkaasi inay ahaayeen weerar iyo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed ee Spain.
“Waxaan ku tilmaamaynaa wixii shalay dhacay inay ahaayeen weerar iyo xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed ee Spain.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaare Sanchez ayaa shabakadaha dadka tahriibiya ku eedeeyay inay ka faa’iideysteen xaaladaha jira.
Sanchez ayaa sheegay in dowladdu ay damaanad qaadi doonto amniga dadka deegaanka, iyadoo xoojineysa joogitaanka Ciidamada Qalabka Sida ee waddooyinka Ceuta.
Tani waxay timid, ka dib markii uu buuq soo dhawayn ah kala kulmay dadka deegaanka, ciidamada amnigana ay ku khasbanaadeen inay gacan adag u adeegsadaan dadkaasi, markii Sanchez uu halkaasi gaaray.
Mr. Sanchez oo dejinaya carrada dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada la dhigi doono hareeraha darbiga badda ee xadka ee El Tarajal, si ay u hor istaagaan dadka cusub ee imanaya xeebaha dalka, isagoo intaasi ku daray in muhaajiriinta aan loo ogolaan doonin inay soo gaaraan xeebta deegaankaasi.
Ceuta ayaa xudun u ah dadka magangelyo doonka ah ee doonaya in ay taggaan dalkaasi Spain, waana marin muhiim ah oo ay adeegsadaan qayb ka mid ah muhaajiriinta fursadda nololeed u raadsaneysa Qaaradda Yurub.
