Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa laba toddobaad ka dib ku laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo 27-kii bishii hore ee July gaaray Dhuusamareeb ayaa 29-kii bishaasi soo geba-gabeeyay booqashadii uu ku joogay Galmudug.
Taliyaha ayaa gelinkii dambe ee maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne).
“Soo dhaweynta ka dib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.” Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Taliska Militariga.
Warka ayaa lagu sheegay “Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka hawlgala deegaanada Galmudug.”
Ma cadda ujeedka uu haatan Taliyaha Ciidanka Dhulka u tegay Galmudug, waxaase socda qorshe tababar loogu soo xirayo ciidamo muddooyinkii u dambeeyay uu tababar uga socday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Ciidamadan oo boqolaal gaaraya ayaa lagu wadaa in ay ku biiraan Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa suurtagal ah in uu u safro Dhuusamareeb, si uu tababarka ugu soo xiro ciidamadaasi, oo loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan hawlgalka dib u xoreynta dalka.
