Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeysay in uu colaad cusub ka hurinayo deegaanada Puntland.
Madaxtooyada Puntland oo xalay warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Puntland ay si dhow ula socoto abaabulada qorsheysan bay tiri ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado.
Puntland ayaa ka digtay qorshaha safar ay sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud uu ku imanayo koonfurta Magaalada Gaalkacyo, iyadoona sheegtay in uu uga gol leeyahay in uu colaad uga abuuro magaaladaasi, oo si nabad iyo xasilloonida ah ay ugu wada nool yihiin labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Waxay sheegtay Puntland in ay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, waxayna dadka reer Puntland ku wargelisay in ay u diyaargaroobaan in maamulku uu qaadayo tallaabooyin dheeraad ah, oo lagu adkeynayo amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.
Warsaxaafadeedka Puntland
Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulada qorsheysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud wado, waxayna ka digeysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh uu ku imaanayo koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug, taas oo uu uga gol leeyahay in uu fidno iyo colaad ka abuuro Magaalada Gaalkacyo oo si nabad iyo xasillooni leh ay ugu wada nool yihiin labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.
Dowladda Puntland waxay maamulka iyo shacabka Dowladda Galmudug, gaar ahaan koonfurta Gaalkacyo uga mahadcelineysaa kaalinta weyn ee ay ka qaateen ilaalinta nabadda iyo ka hortagga isku dayadii qorsheysnaa ee Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayay in uu qalalaase amni ka abuuro Magaalada Gaalkacyo, si uu uga dhigto foodsaar siyaasadeed, waxayna ugu baaqeysaa maamulka iyo shacabka Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo in ay ka hortagaan isku dayada cusub ee Xasan Sheekh uu wado.
Dowladda Puntland waxay heegan buuxa gelisay Ciidamada Difaaca Puntland, waxayna dadweynaha reer Puntland ku wargelineysaa in ay u diyaargaroobaan in dowladdu qaadeyso tillaabooyin dheeri ah oo lagu adkeynayo amniga guud ahaan Puntland, gaar ahaan amniga Magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay la socodsiineysaa Ummadda Soomaaliyeed, dalalka deriska iyo guud ahaan Beesha Caalamka in Xasan Sheekh Maxamuud uu qaadayo masuuliyadda ka dhalata fidmada iyo colaadda uu ka abaabulayo Puntland.