Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku maraya deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha ayaa booqashadiisa shalay galab ka bilaabay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiro, Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qaarkood, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xalay Dhuusamareeb kaga qaybgalay xaflad lagu xusayay aasaaska Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Dhuusamareeb uga sii gudbi doono deegaanka Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, isla-markaana uu kaga qaybgeli doono munaasabad tababar loogu soo xirayo ciidamo muddooyinkii u dambeeyay uu tababar uga socday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure.
“Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku qotoma xoojinta dadaalada dowladda ee dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qaybgeli doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
Warka ayaa lagu sheegay “Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daahfuri doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanada Dowlad Goboleedka, kuwaasi oo qayb ka ah qorsheyaasha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa qayb ka ah booqasho la qorsheeyay in uu ku tago Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, inkastoo Puntland ay ka digtay qorshaha safarkiisa Gaalkacyo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa booqashadiisa Galmudug ku wehlinaya Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Taliyaha Ciidamada, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Taliska Taakuleynta ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Maxamuud Xasan (Garabey), Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale.