Home Wararka Maanta Taliyaha Militariga oo booqasho ku tegay Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Dhuusamareeb

Taliyaha Militariga oo booqasho ku tegay Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Dhuusamareeb

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ka mid ah wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee magaaladaasi.

Taliyaha Militariga Somaliya ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Qaybta 21aad, Korneyl Maxamed Cabdi Daahir (Maxamed Dhagaweyne) iyo Saraakiil kale.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Militariga uu Saraakiisha Qaybta 21aad kala hadlay diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ciidamada cusub ee lagu wado in tababarka loogu soo xiro Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xananbuure ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Dugsigan oo hoostaga Taliska Qaybta 21aad ayaa waxaa diyaar ku ah ciidamo cusub oo tababar ku dhameystay dugsigaasi, kuwaas oo la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tababarka u soo xiro.

Ciidamadan ayaa si rasmi ah uga mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo ayna tahay inay ka qayb qaataan dagaalka dalka looga saarayo Al Shabaab.

Taliska Qaybta 21aad waa mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan ee Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna ka kooban yahay Guutooyinka 15aad, 24aad iyo 27aad, waxaana uu taliskoodu yahay Magaalada Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc