Home Wararka Maanta Xaalad xasaasi ah oo ka jirta Gaalkacyo, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wajahan yahay

Xaalad xasaasi ah oo ka jirta Gaalkacyo, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku wajahan yahay

by Laacib

Shacabka ku dhaqan labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyo ayaa cabsi ka muujinaya in safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaaladaasi uu colaad ka dhex huriyo labada maamul.

Xaaladda ka taagan Gaalkacyo ayaa waxaa xoojiyay warqad digniin ah oo habeenkii Khamiista ka soo baxday Madaxtooyada Puntland, loogana soo horjeestay qorshaha safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ku imanayo koonfurta Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug, iyadoo Puntland ay xaqiijisay inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda.

Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka jawaabeysa digniinta Puntland ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu xaq u leeyahay inuu soo booqdo deegaanada Galmudug, waxayna intaasi ku dartay in Puntland aysan wax talo ah ama diidmo ah ku lahayn booqashadaas, maadaama ay tahay arrin u dhexeyso Galmudug iyo Dowladda Federaalka.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Galmudug, Maxamed Faarax Xuseen (Talyaani) ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu xilli kasta soo booqan karo koonfurta Gaalkacyo, isla-markaana digniinta ka timid Puntland aysan wax sal iyo raad ku lahayn sharciga.

Puntland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inuu colaad cusub ka hurinayo deegaanada Puntland, waxayna ka digtay in Galmudug loo adeegsado meel loo soo dhex maro Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay dhaqdhaqaaq ka sameynayaan xeryaha ay ku leeyihiin waqooyiga Gaalkacyo, waana wax Puntland ay goor horeba ku sheegtay diyaargarow lagu adkeynayo amniga Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga.

Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in Puntland ay fara-gelin karto go’aanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ogolaanshaha Galmudug ee safarkiisa koonfurta Gaalkacyo, haddana dadka reer Gaalkacyo ayaa ka cabsi qaba in hal tallaabo ama khalad oo dhaca uu sababo dagaal ballaaran.

Reer Gaalkacyo ayaa kuu sheegaya in ay arrin khatarteeda leh ay noqon doonto, haddii hal askari uu rasaas ku furo dhinac ka mid ah labada daamood ee magaalada, muddada uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Xaaladda ka jirta Gaalkacyo waa mid xasaasi ah oo dadka deegaanka ay si dhow u eegayaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo midka amni ee magaaladaasi.

Xiriirka labada maamul ayaa muhiim u ah xasilloonida iyo amniga magaalada oo sanadihii u dambeeyay ay si wadajir ah uga wada shaqeynayeen, waana xiriir aad u xoogeysanayay sanadihii la soo dhaafay, inkastoo xiriirkoodu uu mararka qaar yeesho loolan siyaasadeed oo ku qotoma dhanka xadka. Masuuliyiinta labada maamul ugu magacaaban Gobolka Mudug ayaa dadaal ku bixiya, sidii loo xalin lahaa khilaafaadkaas iyaga oo adeegsanaya wada hadal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan ku sugan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoona la sheegayo in aanu jirin wax is bedel ah oo ku yimid qorshihiisa safarka ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Gaalkacyo ayaa u muuqdo midkiisii ugu horreyay ee walaac intaa le’eg oo amni ku abuura dadka ku dhaqan magaalo Soomaaliyeed oo uu doonayo in uu booqdo, iyadoo Gaalkacyo ay tahay magaalada keliya ee Somaliya ee leh laba maamul.

Inkasta oo Gaalkacyo ay tahay magaalo ay laba maamul ka wada arrimiyaan, haddana dadka deegaanka ayaa waxaa ka dhexeeya ganacsi iyo xiriir qoys oo xoogan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc