Home Wararka Maanta Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka Mudug

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo booqasho ku jooga Magaalada Gaalkacyo ayaa caawa waqooyiga magaaladaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bogga wararka ee Madaxtooyada Puntland.

Qoraalka laguma sheegin waxa uu Madaxweynuhu kala hadlay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka hawlgala Gobolka Mudug, balse waxa uu kulankan imanaya, wax yar uun ka dib, markii Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray koonfurta Gaalkacyo oo Galmudug ay maamusho.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa horey uga digtay safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Gaalkacyo, iyadoo ku andacooneysa in uu uga gol leeyahay in uu colaad cusub kaga huriyo deegaanada Puntland, gaar ahaan Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa Axaddii sheegay in la xiray xuduudaha Puntland, si looga hortago waxa ay ku sheegeen sharta Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland ayaa ciidamo fara-badan ku soo daadisay waddooyinka xaafadaha ku yaala waqooyiga Gaalkacyo, taas oo keentay in Galmudug ay dhinaceeda gasho xaalad feejignaan ah.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka soo cusboonaaday labada qaybood ee Gaalkacyo ayaa xaddiday isu socodka shacabka ee magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc