Home Wararka Maanta Magaalada Gaalkacyo oo ka gudubtay khatartii dagaal ee soo wajahday

Magaalada Gaalkacyo oo ka gudubtay khatartii dagaal ee soo wajahday

by Laacib

Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa hadda dareemaya xasillooni iyo deganaan, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay galab soo geba-gabeeyay booqashadii uu ku tegay magaaladaasi.

Dareenka shacabka ku nool labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ayaa aad u kacsanaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo ay ku jirto muddadii Madaxweynuhu uu ku sugnaa koonfurta Gaalkacyo.

Xaaladda kacsanaanta ayaa si isku mid ah looga dareemay koonfurta iyo waqooyiga magaalada oo laba maamul ay ka jiraan, ka dib markii Puntland ay Axaddii ciidamo ku soo daadisay qaybta ay ka maamusho magaalada, iyadoo diidan in Madaxweynuhu uu soo booqdo magaaladaasi, taas oo keentay in Galmudug ay dhinaceeda gasho xaalad feejignaan ah.

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa siyaabooyin kala duwan ciidamadooda ugu soo daadiyay waddooyinka magaalada ee labada dhinac la isaga kala gudbo, waxaana uu gaabis ku yimid dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee Gaalkacyo.

Dadka ayaa aad uga cabsi qabay in safarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu sababo dagaal ballaaran oo ka dhex qarxa labada maamul ee ka wada arrimiya magaaladaasi, bacdamaa ay ogyihiin cawaaqibka ay colaadda noocaasi ahi ku yeelaneyso nabad ku wada noolaanshaha magaalada.

Madaxweynaha ayaa keliya booqday koonfurta Gaalkacyo, iyadoona ay Puntland ka hor istaagtay in uu soo booqdo dhinaca waqooyi ee magaalada, xilli uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Talaadadii ka hadlayay qado sharaf wafdigiisa loogu sameeyay koonfurta magaalada ayaa sheegay in safarkiisu uu la xiriiro xoojinta nabadda iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

Booqashadan ayaa ah middii ugu horreysay ee Madaxweynuhu uu ku tago Magaalada Gaalkacyo, muddo labaatan sano ah. Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay Caasimadda Muqdisho, halkaas oo uu ku soo geba-gabeeyay booqashadii uu ku marayay deegaanada Galmudug. Safarkan oo dhowr maalmood qaatay ayuu Madaxweynuhu uu Jimcihii ka bilaabay Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ku soo geba-gabeeyay Gaalkacyo.

Xaaladda caadiga ah ee ay ku soo laabatay Gaalkacyo ayaa dadka u suurtagelineysa inay qabsadaan shaqooyinkooda maalinlaha ah.

Gaalkacyo waa magaalo xasaasi ah oo laba maamul oo kala duwan ay ka arrimiyaan, waana magaalada keliya ee dalka ee aan lahayn hal maamul.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc