Home Wararka Maanta Baydhabo oo lagu soo bandhigay maxaabiis laga qabtay kooxihii weerarka soo qaaday

Baydhabo oo lagu soo bandhigay maxaabiis laga qabtay kooxihii weerarka soo qaaday

by Laacib

Laamaha amniga ayaa maanta maxaabiistan ku soo bandhigay Xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, iyadoona uu maamulku sheegay in lagu qabtay dagaalkii Isniintii ka dhacay magaaladaasi.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Nuur Siidow Baaba ayaa Warbaahinta u akhriyay warsaxaafadeed uu maamulku ka soo saaray weerarkii ay maalin ka hor magaalada ku soo qaadeen ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Wasiirka ayaa sheegay in hawlgalo ay ciidamada ammaanka isla maalintaasi ka sameeyeen magaalada ay ku soo qabqabteen xubno ka tirsan buu yiri qolyihii Khawaarijta iyo Khawaarij kalkaalka, oo uu ula jeedo maleeshiyada Al Shabaab iyo ciidamada u daacadda ah Laftagareen.

“Ciidamada amniga ayaa hawlgaladii 17-kii bishan August ka dhacay Magaalada Baydhabo ku soo qabqabtay xubno ka tirsan qolyihii Khawaarijta iyo Khawaarij kalkaalka, hubkoodii iyo sida aad aragteen gaari loogu talagalay in lagu dhibaateeyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xubnaha la hayo la horgayn doono sharciga, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda.

“Dadka la qabtay waxaa la marin doonnaa habraacyadii sharciga ahaa, iyadoo si buuxda loo dhowrayo xuquuqdooda, lana marin doono shuruucda dalka.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa wada hadal ugu baaqay garabka Laftagareen, waxaana uu yiri “Kuwa doonaya inay wiiqaan dowladnimada reer Koonfur Galbeed Somaliya, qalalaasana ka dhex abuuraan bulshada dhexdeeda ama shacabka u horseedaan cabsi iyo amni darro, waxaan leenahay dalku ma lahan waddo kale oo mustaqbal lagu gaari karo, marka laga reebo nabadda, wada hadal iyo dowladnimo. Khilaaf kasta oo jira waxaa lagu xalin karaa miiska wada hadalka, balse laguma xalin karo hub uruursi, rabshad, cabsi gelin iyo iska horimaad. Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya cidna dagaal lama dooneyso, cidna cadaawad gaar ah uma hayso, laakiin dowladda waxaa saaran waajib aan laga tanaasuli karin, oo ah ilaalinta nolosha shacabka reer Koonfur Galbeed, hantidooda, amnigooda iyo sharciga dalka.”

Wasiir Baaba ayaa intaasi ku daray “Dowladdu waxay diyaar u tahay inay soo dhaweyso wada hadal kasta oo dhab ah oo lagu doonayo nabad iyo xal waara, balse wada hadalku waa inuu ku dhisnaadaa ixtiraamka sharciga, ilaalinta shacabka iyo aqoonsiga hay’adaha dowladda. Cid kasta oo nabadda dooraneysa albaabka wada hadalka waa uu furan yahay. Cid kasta oo sharciga jebiineysa waxaa lagu la xisaabtami doonnaa sharciga. Cid kasta oo shacabka cabsi gelineysa, dowladdu waxay gudan doontaa waajibaadkeeda dastuuriga ah, ee ah ilaalinta shacabka iyo amnigooda.”

Baaba ayaa Warbaahinta ka soo muuqday, iyadoo ay garbihiisa taagnaayeen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Isaaq (Koosaar) iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Korneyl Mukhtaar Maxamed Dugudow.

Maxaabiistan oo 53 nin gaarayay ayaa markii dambe lagu celiyay goobtii lagu hayay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc