Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa Khamiistan booqday Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa taliska ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Waqooyi Bari, sida uu Taliyuhu ku sheegay war qoraal ah.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ay ka wada hadleen xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan buu yiri xoojinta amniga iyo nabadgelyada deegaanada Waqooyi Bari Somaliya.
“Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay, sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo badqabka shacabka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta Ciidanka Xoogga Dalka, hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka.” Ayuu Taliyaha ku sheegay warka.
Taliyaha oo warkan ku daabacay bartiisa xiriirka bulshada ayaa intaasi ku daray “Waxaan adkeynay muhiimadda ay leedahay iskaashi iyo isku-duubni lagu xaqiijinayo nabadda iyo amniga guud ee dalka.”
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Taliyaha Ciidanka Badda, Admiral Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Taliska Taakuleynta ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Maxamuud Xasan (Garabey) iyo Taliyaha Taliska Tababarada iyo Doctrine-ka ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Axmed Ciise Axmed.
