Home Wararka Maanta Awaamiir lagu adkeynayo amniga oo lagu soo rogay Baraawe iyo Waajid

Awaamiir lagu adkeynayo amniga oo lagu soo rogay Baraawe iyo Waajid

by Laacib

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa adkeysay ammaanka Degmooyinka Baraawe iyo Waajid ee Gobolada Shabellaha Hoose iyo Bakool, xilli ay jirto cabsi laga qabo inay la wareegaan ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Ka dib markii ciidamadan ay maalmihii la soo dhaafay la wareegeen Degmooyinka Gobolka Baay, marka laga soo tago Baydhabo ayaa waxay dhaqdhaqaaqyadooda is ballaarinta ay dareen ka abuureen degmooyinka kale ee ka tirsan Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay maanta Degmada Waajid gaysay ciidamo, ka dib markii diyaarad looga qaaday Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Degmada Waajid, Xasan Cabdi Isaaq iyo Taliyaha Saldhigga Booliska, Iftiin Aadan Cali oo Axaddan si wadajir ah Warbaahinta ula hadlay ayaa ku dhawaaqay amar lagu mamnuucayo gaadiidka imanaya degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Waajid ayaa carabka ku adkeeyay in baabuur iyo mooto oo dhan oo imaan karaa degmadaasi aanay jiri karin, illaa 30-ka bishan October, haddii kalena loo tixgelin doono gaadiid ay leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Waajid ayaa dhankiisa ka digay in la gubi doono gaadiidkii isku dayaa in uu soo galo magaalada, isagoo intaasi ku daray in muddada ay xayiraadda socoto aan la ogoleyn in sidoo kale ay gaadiidka ka baxaan magaaladaasi.

Dhanka kale Maamulka Degmada Baraawe ayaa degmadaasi ku soo rogay bandow xilliga habeenkii ah, taas oo lagu ilaalinayo nabadgelyada degmadaasi.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga & Siyaasadda ee Degmada Baraawe, Axmed Cabdi Yuusuf iyo Taliyaha Saldhigga Booliska, Maxamuud Sheequnaa ayaa Warbaahinta la wadaagay awaamiirta cusub ee lagu soo rogay Baraawe oo ka bilaabaneysa 8-da fiidnimo, isla-markaana soconeysa illaa waaberiga.

“Magaalada waxaa lagu soo rogay bandow, kaasoo ka bilaaban doona haddii Alle idmo 8-da habeenimo. Wixii 8-da habeenimo ka bilowdo gaadiid ama qof socdo la arko, waxaa la waafajin doonnaa sharciga.” Ayuu yiri Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baraawe.

Taliyaha ayaa dadka deegaanka faray inay jaraan Geed Yahuudka ama Cali Garoobka, sidoo kalena ay leyrar ku xiraan afaafka hore ee guryahooda, isagoo ka digay in gurigii aan leyrka shidin loo arki doono dad ka soo horjeeda awaamiirta maamulka, sida uu yiri.

Baraawe ayaa ah Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, walow maamulku uu si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc