Home Wararka Maanta Sanbaloolshe iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Beledweyne

Sanbaloolshe iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo ku sii jeeda Beledweyne

by Laacib

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku wajahan Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali iyo ciidamo uu wato ay safar dhinaca dhulka ah ku tagayaan magaaladaasi, ka dib markii ay ka soo gudbeen xadka ay Somaliya la leedahay Itoobiya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada uu hoggaaminayo Xildhibaan Sanbaloolshe ay wataan tiro gaadiidka dagaalka ah, isla-markaana ay ka soo tallaabeen xadka Feerfeer ee Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa diyaargarowga ku aaddan soo dhaweynta Sanbaloolshe, ka dib safar dhowr toddobaad qaatay oo dalka dibaddiisa uu ugu maqnaa.

Sanbaloolshe ayaa ah siyaasiga ugu miisaanka weyn ee siyaasiyiinta gobolka ee qaaddacay qaabka ay Dowladda Federaalka u maamushay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Hirshabelle.

Beledweyne ayaa waxaa ka jira gadood lagu diidan yahay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyadoona odayaasha iyo siyaasiyiinta deegaanka ay ballanqaadeen inay soo dhisayaan maamul ka madaxbannaan kan Jowhar.

Khilaafkan kala irdheeyay reer Hiiraan iyo Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle oo isku garab ah ayaa loo arkaa mid khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc