Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo safar dhinaca dhulka ku tegay Beledweyne

Sanbaloolshe oo safar dhinaca dhulka ku tegay Beledweyne

by Laacib

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Jimcahan gaaray Magaalada Beledweyne.

Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa waxaa gelbinayay ciidamo wata gaadiidka dagaalka, oo ka soo gudbay xadka Feerfeer ee Gobolka Hiiraan uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sanbaloolshe ayaa ku laabtay Beledweyne, ka dib toddobaadyo uu gobolka ka maqnaa ama safar uu u jiray dalka dibaddiisa.

Beledweyne ayaa waxaa ka jira kacdoon siyaasadeed oo ka dhan ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle, iyadoo siyaasiyiinta gobolkaasi oo ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ay u ololeynayaan dhismaha maamul ka madaxbannaan kan Hirshabelle.

Gadoodkan ayaa yimid, ka dib markii dadka hormuudka u ah bulshada gobolkaasi ay ka horyimaadeen hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamushay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Hirshabelle.

Sanbaloolshe ayaa waxaa loo arkaa shakhsiga ugu tunka weyn ee siyaasiyiinta reer Hiiraan ee Villa Somalia ku eedeeyay in ay iska indha-tirtay tabashooyinka ay muddada dheer qabeen dadka deegaanka.

Dib ugu soo laabashada Sanbaloolshe ee Beledweyne ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Dowladda Federaalka ay maalmihii u dambeeyay si weyn u raadineysay xiriirkiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc