Muuse Salaad Wehliye oo Dowlad Goboleedka Hirshabelle ugu magacawnaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa caawa iska casilay xilkaasi, sababo ku aaddan habka ay madaxda sare u wajahayaan xallinta tabashooyinka ay qabaan dadka reer Hiiraan.
“Anigoo ah Mudane Muuse Salaad Wehliye ahna Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaan si rasmi ah idiinku soo gudbinayaa go’aankayga ku aaddan inaan iska casilo xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan. Go’aankaygan wuxuu ka dhashay kala aragti duwanaansho aniga iyo madaxda sare oo ku saabsan habka iyo jihada loo wajahayo xallinta tabashooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan bulshada reer Hiiraan oo soo jireeenka ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo warsaxaafadeed soo saaray.
“Anigu ka Gudoomiye ahaan waxaan aaminsanaa in tabashada shacabka aan lagu wajihi karin qori caaradiis, xoog, maquunin, iska indho-tir iyo dib-u-dhac, balse ay u baahan tahay dhageysi dhab ah, wada-hadal daacad ah, garowsho qaran iyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu qancinayo bulshada tabashada qabta.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo xusay “Waxaan mar walba aaminsanahay in xilka dowladnimo uu yahay masuuliyad ka weyn jegada qofku hayo, isla-markaana ay waajib tahay in la dareemo, lana tixgeliyo duruufaha, cabashada iyo xaqiiqada ay ku nool yihiin dadka aan masuulka ka nahay.”
Muuse Salaad Wehliye ayaa tilmaamay maadaama aysan madaxa isku aragti ka noqon karin habka ugu habboon ee loo wajahayo arrimahaasi awgood uu go’aansaday inuu xilka iska casilo.
“Haddaba maadaama aanan isku aragti ka noqon karin habka ugu habboon ee loo wajahayo arrimahaas, waxaan go’aansaday inaan xilka iska casilo, anigoo ilaalinaya damiirkayga, mabda’ayga iyo dareenka aan u hayo shacabka reer Hiiraan ee wajahaya duruufaha qallafsan.” Ayuu yiri Muuse Salaad.
Is casilaaddiisa ayaa ku soo aadeysa, xilli Magaalada Beledweyne uu ka jiro kacdoon lagaga soo horjeedo Hirshabelle, dhammaan masuuliyiinta ka tirsan maamulkaasina loogu baaqay inay isaga baxaan gobolka, gaar ahaan Beledweyne.