Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada Qalabka Sida ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacish.
Guddigan oo u badan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa gaaraya toddobo xubnood, kuwaas oo noqon doona guddi gaar ah oo Dowladda Federaalka u qaabilsan dagaalka.
Guddigan ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka, Cabdisalaan Cabdi Cali.
Xubnaha Guddiga ee la magacaabay ayaa kala ah: –
Cabdisalaan Cabdi Cali
Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh)
General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)
Dr. Cali Xaaji Aadan
Maxamed Cali Xagaa
Maxamed Axmed Amiir
Maxamuud Macalin Xasan.