Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
War qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha iyo Gudoomiyahaba ay isla garteen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya Somaliya iyo Midowga Afrika.
“Madaxweynaha ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaalada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Somaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad Ilaalinta Afrika ee ku sugan Somaliya.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka kooxaha argagixisada, waxaana uu ammaanay, sida dalalka gobolka ay u kordhiyeen garab istaagooda ku aaddan hawlgalada ka dhanka ah kooxahaasi.
“Argagixisada uma harin meel ay kaga dhex dhuuman karaan Somaliya, dhulkii iyo dadkiiba waa diideen. Alle idankii, waa ku guuleysan doonnaa in aan gebi ahaanba ka dabar-goyno dalkayaga oo iska dulqaadno dhagartooda, boobkooda iyo xasuuqa ay ku hayaan nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warka ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa isla qaatay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, dib-u-habaynta hay’adaha dowladda iyo xoojinta amniga gobolka, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Somaliya ay ka go’an tahay in ay door firfircoon ka qaadato geeddi-socodka dib-u-habaynta Midowga Afrika, kana shaqeyso in ay khibraddeeda daminta colaadaha sokeeye iyo nabadeynta ay uga faa’iideyso dalalka qaaradda iyo gobolka.”
Maxamuud Cali Yuusuf oo 20 sano ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa waxaa 15-kii bishii February loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Maxamuud Cali ayaa bedelay Moussa Faki oo u dhashay dalka Chad, si afarta sano ee soo socota uu u hoggaamiyo ururka.
Waa booqashadii ugu horreysay oo Maxamuud Cali uu ku yimaado Somaliya, ka gadaal markii 13-kii bishan uu xilka kala wareegay Moussa Faki, ka dib laba xilli oo uu ahaa Hoggaamiyaha Guddiga Midowga Afrika.
