Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo Rafah ku dilay kalkaaliye caafimaad

Militariga Israel oo Rafah ku dilay kalkaaliye caafimaad

by Laacib

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay maanta duqayn ka gaysteen hoy ay gabaadsanayeen ninkaasi iyo qoyskiisa oo ku yaala bariga Rafah.

Bisha Cas ayaa sheegtay in Fayez As’ad Mohammad Muammar oo ahaa kalkaaliye caafimaad uu ku dhintay duqayntaasi.

Ciidamada Israel ayaa maalmahaanba xoojiyay weerarada xagga cirka ah ee ay ka gaysanayaan Rafah, oo ay ku barakaceen qiyaastii 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah.

Weerarada aan kala joogsi lahayn ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza ayaa caqabad ku noqoday shaqaalaha caafimaadka, samafalka iyo kooxaha samatabixinta amaba gurmadka degdegga.

Qaramada Midoobey ayaa marar badan Israel ugu baaqday inaanay bartilmaameedsan dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada, balse Israel ayaa u muuqato mid aan diyaar u ahayn inay ka jawaabto baaqyadaasi.

Arbacadii oo ugu dambeysay xubno ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda MSF ayaa lagu dhaawacay duqayn ay Israel ka fulisay Gaza.

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa saacado ka dib dhacdadaasi ugu yeeray Israel inay ilaaliso shaqaalaha ku shaqeynaya duruufaha adag iyo shacabkaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc