Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Suudaan

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka dalka Suudaan

by admin

Labada janaraal ee ku dagaalamaya dalka Suudaan ayaa u muuqda kuwo weli u caaboon dagaal hor leh, xilli aanay dadka reer Suudaan mahdin cawaaqib xumada laga dhaxlay muddadii lixda toddobaad, ee uu dagaalku ka socday Caasimadda Khartoum iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi qaarkood.

Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa ku dagaalamaya awoodda dalka.

Ciidanka Militariga Suudaan iyo Xoogaga RSF-ta ayaa bishii labaad ku dagaalamaya bartamaha Caasimadda Khartoum, iyadoona aanay jirin cid dagaalka ku gacan sarreysa.

Dagaalka oo 15-kii bishii hore ee April si lama fillaan ahayd uga qarxay Caasimadda Khartoum ayaa waxay dad badani qiyaasayeen in si degdeg ahi xal loogu heli doono amaba uu muddo kooban ka dib joogsan doono, balse marnaba ma aanay filleynin dadka reer Suudaan in ay guryahooda ka barakici doonaan, qaarkoodna ay magaalada ugu weyn dalkaasi ku go’doomi doonaan.

Dagaalkan ayaa mar kale indhaha caalamka ku soo jeediyay dalka Suudaan, iyadoo dowladaha qaar ay dhinacyada ku cadaadiyeen in ay dagaalka joojiyaan, tiiyoo aanay suurtagelin. Dowladaha shisheeye oo garowsaday inaanay xaaladdu wanaagsanayn ayaa intaasi ka dib bilaabay in ay shaqaalahooda diblomaasiyiinta kala baxaan magaalo madaxda dalkaasi ee Khartoum.

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka oo horaantii bishan wufuud kala meteleysa labada dhinac ku wada hadalsiiyay Magaalada Jeddah ayaa waxaan jirin horumar la taaban karo oo isku daygoodaasi laga gaaray, ka dib markii dhinacyada aanay si buuxdo u dhaqangelin ballanqaadkoodii ahaa inay ilaalin doonaan dadka rayidka ah, gargaarka bani’aadanimadana ay gaarsiin doonaan goobaha ay dhibaatadu ka jirto.

Dalkan ayaa la tilmaamaa in saddex meelood oo meel ay dadkiisu ku tiirsan yihiin gargaarka bani’aadanimo. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres ayaa ka digay masiibo ka dhacda dalkaasi.

Qaramada Midoobey ayaa 12-kii bishan sheegtay in hal milyan oo qof ay ka barakaceen dalkaasi, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo in dhibaatooyinka bani’aadanimo ay faraha ka baxaan.

Illaa iyo hadda, inta la ogyahay colaadda muddada halka bil ka socotay dalkaasi ayaa waxaa ku naf waayay in ka badan 700 oo qof, halka dhaawacuna uu kor u dhaafayo 5,000 oo kale.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa aad u yar yididiilada laga qabo in colaadda la daba qabto, marka aad eegto ifafaalaha yar ee muujinaya in rabshaduhu ay sii yaraanayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc