Home Wararka Maanta Raysal Wasaaraha Malaysia oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Somaliya

Raysal Wasaaraha Malaysia oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Somaliya

by Laacib

Raysal Wasaaraha Malaysia, Anwar Ibrahim ayaa Caasimadda Kuala Lumpur ku qaabilay wafdigan, oo ay hoggaamineysay Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay, sidii Somaliya iyo Malaysia ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha siyaasadda iyo weliba ganacsiga.

Wasiir Fardowso ayaa dhanka kale waxa ay Raysal Wasaare Anwar gaarsiisay salaan ay kaga sidday Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Shekh Maxamuud.

Dalka Malaysia oo ka mid ah dalalka Islaamka ayaa waxaa ku nool jaaliyad ballaaran oo Soomaaliyeed, una badan arday iyo dad deegaan ka sameystay dalkaasi.

Dalkan oo dhaca koonfur bari Asia ayaan wax ku dal ku-gal ah (VISA) ka dooneyn muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sita Baasaboor Soomaaliga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc